Saturday, March 27, 2010

CALANKA

Gibilkaga Maxeey Gadiyeen(Calanka Iyo Dalka Soomaaliya)
Gibilkaga Maxeey Gadiyeen Oo Guuldaro Ku Dhigeen,
Gumeeysi Maxeey Gacanta Ku Galiyeen Oo Lagu Gar Celin Waayay,
Gaf Maxeey Galeen Oo Gurigooda Gacmahooda Ku Dumiyeen,
Garaad Iyo Suldaan Maxaa Gaaf Loo Dilay Oo Wax U Kala Gar Qaada Gacan Lagu Heyn,
Misana Gabdho Iyo Hooyo Eey U Gacan Qaadin,
Geesinimo Maxeey Sheegteen Ooy Gaari Wayeen Garaadki Guusha Soo Hooyeen Ee SYL Iyo Intii Garabkooda Gashay,
Geesi Waa Ki U Gar Noqa Ruuxa Saxsan, Geesi Waa Ki Gumeysiga La Soo Dagalay Oo Gurigiisa Ku Soo Noqon,
Geesi Waa Ki Garoomada Dagaalka
Guri Ka Dhistay Ee Cadowgiisa Ka Guleysta,
Guulow Ilaah Garabkaga Ha Galo(Calanka Iyo Dalka Soomaaliya)
Gurubka Kani Gardaro Eey Ku Keeneen Iyo Gumeeysi Eey
Gacanta Ku Galiyaan Mooye Walee Gabdhaha La Qaatay Oo Ku Garabayeen,
Gurubka Kan Gabasaraha Waa Ina Loo Galiyo Oo Gacmahane Jijimo Loo Galiyo,
Garaado Ma Noola Oo God Ayeey Galiyeen,
Guryihiina Geeskoda Ayaad Ka Garaneysa Ina Garneel Eey La Dhaceen,
Gesiyaashine Gidarada Ayeey Gaajo La Jifaan,
Intii Ku Garawday Neh Wadan Gaalo Ayeey U Gureen Oo Waxa Ku Gudi Ah
Guruub Ku Taqasusay Sida Ganjada Looga Gooyo Minada,
Waxa Ku Garab Ah Gandhariyo Loo Tababaray Sida Loo Gamo Garnelada,
Waxaa Ku Gayi Ah Dagaal Iyo Guuldaro,
Gibilkaga Maxeey Gadiyeen Oo Eey Ku Gubeen,Guulow Ilaahow Garabkaga Gal


Ahmed Abdi
Copyright ©2010

No comments:

Post a Comment