Wednesday, March 17, 2010

DHAQAN-LIITA (BAD CULTURE)


Markaad dhalata hooyooy
Dadku kuuma dheelaan
Kuma dhiirigaliyaan
Kuma soo dhaweeyaan
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Dhaqso uma mashxaradaan
Dhidib kuma xusuustaan
Wanaag kuma dhacsiiyaan
Dhabna uma bogaadshaan
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Farxad lama dhacaanoo
Dhugmo kuma habaanoo
Sacab kuma dhuftaanoo
Wanqal kuma dhaqaaqaan
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Hooyo dhalashadaaduba
Qaar baa dhalliiloo
Dhalanteed u haystaa
Waana midabtakoor dhaba
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Dhawaaqaaga hooyooy
Dhagta uma furaanoo
Kuma dhuunkadaanoo
Dhaw rasaas ma siiyaan
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Wey ku dhaawacaanoo
Kugu dhagahadlaanoo
Inaad udub-dhaxaad tahay
Dhooroofi maayaan
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Wey ku dhayalsadaanoo
Dheeman kuma gardaadshaan
Dhiggaad hooyo mudan tahay
Anshax kuguma dhaashaan
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Dhihid iyo jawaab iyo
Marka aad dhaqaaq baran
Hooyo dhabar-ku-qaad tahay
Dhimey kugu yiraahdaan
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Dhaqaalaha sidii wiil
Kuuma dhaalacaanoo
Kuuma dheefiyaanoo
Dhameys kuma barbaarshaan
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Markaad wali dhallaan tahay
U dhaxeysa dharabtiyo
Helid dhiigga caadada
Higgaad kuuma dhigayaan
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Dhoocil bey ku oranoo
Diihaal kaama dhawraan
Dhabannaanin iyo ciil
Dharbaaxaad la kulantaa
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Waxaa wali intaa dheer
Kushiinkood la dhalatiyo
Yey dhaafin wiilkiyo
Xaqaagooy dhunsanayaan
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Dharaartaad tisqaaddana
Nin aad dhab u jeclaan bey
Kugu dhaafsadaan maal
U dhax kugu yiraahdaan
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Markaad umul dhallaan tahay
Dhabta gabadh ku haysaa
Dhimir kuma daryeelaan
Wey kaa dhabcaalaan
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Midkey kugu dhidaabsheen
Hadduu kaa dhintaayoo
Dhab u geeriyoodaa
Dhaxal-nool ayaa tahay
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Adaa dhaanka noo rara
Adaa dhiisha noo cuga
Adoo dhididku kaa di'i
Dhangad lagu guhaadshaa
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Dhibkuu gabaygu faaqiday
Iyo dhagar kasii weyn
Gurro aan dhammaan baad
Dheellitiro la kulantaa
Anna waan dhibsadayoo
Dhaqan-liita weeyaan.

Dhudi dhabannahays iyo
Dhaygag iyo layaab iyo
Dhakafaar mafilashiyo
Ashqaraar dhankeygee
Ma dhulkaa lagaa helay?
Miyaan hooyo lagu dhalin?


English Version

When you are born mother
People don't celebrate for you
They don't encourage you
They don't welcome you
It disturbs me
It is a bad culture.

They don't urgently ululate for you
They don't remember you the central pole
They do no good for you
They don't really felicitate on you
It disturbs me
It is a bad culture.

They don't get gladdened
They don't sensibly feed you
They don't clap for you
They don't sacrifice for you
It disturbs me
It is a bad culture.

Mother, your birth
Some people dismiss it
They think it is an illusion
It is a real discrimination
It disturbs me
It is a bad culture.

Mother, your call
They don't listen to
They don't kiss you
They don't fire a bullet for your welcoming
It disturbs me
It is a bad culture.

They wound you - morally
They talk ill of you present
As you are central pole
They don't sense that
It disturbs me
It is a bad culture.

They underestimate you
Diamond, they don't adore you
Mother, the respect you deserve
They don't morally grant you
It disturbs me
It is a bad culture.

Pronouncing and answering
When you don't know walking
And you are on the back of your mother
May you die! They say to you
It disturbs me
It is a bad culture.

Financially, like a boy
They don't enrich you
They don't nourish you
They don't whole-heartedly bring you up
It disturbs me
It is a bad culture.

When you are still an infant
You are between the cradles
And getting the menstruation
They don't teach you the alphabets
It disturbs me
It is a bad culture.

They don't save you from starvation
Lass! They say to you
Threat and harassment
You face a slap
It disturbs me
It is a bad culture.

In addition to that still
You are sister to the kitchen
Let her not out-smart the boy
They embezzle your rights
It disturbs me
It is a bad culture.

The day you get matured
A man you don't really love
They exchange you with means
Be his wife, they say to you
It disturbs me
It is a bad culture.

When you are in the incubation period
And you are holding a baby-girl on the lap
They don't look after you physically
They miserly fail to support you
It disturbs me
It is a bad culture.

The one you were married to
If he dies from you,
And really passes away
You are a living-inheritance
It disturbs me
It is a bad culture.

It is you that fetch the water for us
It is you that clean the container for us
As you are gushingly sweating,
They beat you with stick
It disturbs me
It is a bad culture.

The plight that the poem stated
And a cunning greater than that
An endless threat - beating
Balancer- mother, you meet
It disturbs me
It is a bad culture.

Dhudi, putting the hands on the cheeks,
With wonder and surprise
With astonishment and horrification
With wonder from my side
Were you found on the ground?
Are you not an off-spring of somebody?

Mohamed Abdikadir Daud (Stanza)
Copyright © 2010

No comments:

Post a Comment