Monday, March 8, 2010

Midka Oofta Kaba

Allahii awooddiis

ku alkumay adduunkee

ayaantaas qiyaamaha

markay arladu soo bixin

intii uurka u fadhiday

ashkatona u haysato

aadmiga badhkiisee

ku dul oogi amar weyn

aadmiguna weelayn

war uu waa inkirayee

amarkiisu fulayoow



Umadaha kan uumoow

midka oofta kaba oow

allahayoow Adigaa weyn

abuurkaagu taam yahay

arxankaagu badan yahay

amarkaana fulayaa

allahii ugaadhiyo

aadmiga abuuroow



Allahaan ammaantiis

iyo awoodduu leeyahay

afkaygu koobi karinee

kana aamusaynoow;

arageenna dhaayaha

Allaha noogu deeqee

ammaan noogu darayee

arrimaha layaabka leh

uunkani ku debberoow



Allaha aan had daalayn

Awoodiisna aan ognahoow

Allahay adduunyadu

Amarkiis ku socotoow

Allahii agoomaha

Anfacooda siiyoow



Allahii addoomaha

Aqoon oo dhan barayoow

Addinleyda socotiyo

Inta hawada duushiyo

Inta badda mushaaxdiyo

Inta duurka ku shirtaa

Allahay u noqonnoow

Allahii ayaamaha

Kor u dhaafshay afaroow

Allahii adoomaha



Astaantooda kala duway

Misna isku ekeeyoow

Allahii ay garashadu

Agtiis nooga timidoow

Adigaan awooddaa

Arxan kaa dalbaynaa

Adigaa abaabula

Amarkee Allahayoow

Na arsuq oo na taam yeel

Aakhirona abraartiyo

Ambiyadaada nala jiri.


Jowhar Maidhane
copyright 1994

No comments:

Post a Comment