Friday, March 5, 2010

MURUGO

Mashaqaa adduunkii

Muuqiisii beddeshoo

Madaw baa insaankii

Ku meegaaraan giddiyoo

Muslinkaa u daranoo

Murugay qabaanoo

Meel walba looga yimidoo



Mashxarad iyo qosol baa

Gaalo ay ku maqan tahoo

Musiibada ay gaysteen

Mid aan maqallay maahee

Ruuxii ka marag kacay

Iyo kii moogganaayoow



Muraadkiisa gaal waa

Muslinkaba idaylkii

Meel walboo ay joogaan

Miino inay la qaraxdoo

Maalin qudha la waayoo;



Mowlahaan ku dhaartaye

Muraad aan midkaas ahayn

Waanay maagganayn oo

Maalinkii yimaadday

Ku mashquul yihiinoo



Rag baa macallimiinoo

Inna kala micneeyoo

Rag baa muhandisiinoo

Miinada sameeyoo

Rag baa maadda jila oo

Inna maaweelinaayoo



Rag baa murti ku dheeroo

Maankeenna doorshoo

Rag baa meelo gooni ah

Ubadka ugu macallina

Oo maaddo loo qoray

Dugsi ugu micneeyoo;



Rag baa madax inoo ahoo

Meel fog innooga taliyoo

Mas’uullay samaysteen

Muslinoo dadkeennoo

Madaxweyneyaal iyo

Maamulkeenna weeyoo

Manhaj bay u dhiibeen

Ay ku maamulaanoo

Run ay maro ku daaheen

Ismoogaan ku dhaafnoo;



Meeshay inala rabeen baan

Ku ag meeraynaayoo

Wax ay nagu mashquulsheen

Ayaan meherad guud iyo

Madaddaallo moodnoo

Maaweeladeenna ah;



Midkeennii mar miyirsada

Miiddiisay shubaayaan

Oo ay mowdka uga adeegaan;

“Maya” kii yidhaahdee

Manhajkooda diidana

Middi bay sudhaayaan

Mucaarad bay yidhaahdaan

Macsharkay ka sheegaan;



Muraadkii kufaartana

Midkaasaan ka idhiyoo

Murugaa I haysoo

Ma micnayn karaayee



Muslinka maanta joogoow

Miyir socod muddiiicoow

Ma damqade ma diiroow

Ma dareeme deggenoow

Maantay meel xun joogtaa

Maalin kalena haba sugin;



Musiibada qayrkaa iyo

Deriskaa u martidana

Mowle idankii mooyee

Kama magan galayside

Amma maanta miyirsoo

Maatadaada wax u qabo

Amma meyd sidiisii

Mid dullaysan iyo gaal

Ha ku maamulaanoo

Meel ha kugu xidhaanoo

Miskiinkaas ahaw oo

Meeshaada ha ka kicin;



Madaw iyo caddaan iyo

Maarriin mid aad tahay

Ma kollaad mabsuud tahay?

Ma kolluu maxabbo iyo

Gaal maamuus kuu hayaayoo

Uu maamul kuuba dhiibtaa?



Ninka Muslin la leeyahay

Muraadkiisu waa maxay?

Isagoo meydkii yaal

Maatadii dayacan tahay

Madaxa looga joogoo

Magac loogu yeedhaba

Gaalada maxbuus u ah

Oo aan u madax bannaanayn

Manhajkiisuu meel marin;



Muslinkuna meel uu yahay

Isagoo ma maagayo;

Inta magac gargaar iyo

Mucaawino had lagu galo

Marwo dumar la xoogayo;



Ubadkiina maskaxdiyo

Manhaj laga maroojoo

Mutacab loogu lebisoo

Maraq doofaar lagu daray

Muufo loogu qooyoo

Maankooda lagu shubay:



“Islaam waa mid laga tegay

moodada adduunyada

iyo macaanka oo idil

ayuu idinka maanici

muslinkuna ma fiicnoo

miciin idinma siiyoo

haweenkuu maryo u xidhi

marna minan fadhiisini

annagaa idin meelayn

ee Islaamka maya dhaha”



Maxaa tani ka murug badan

Ee Muslinku uu sugaayaa?

Muxuu la maahsan yahay ee

Maankiina seexiyay?

Ruuxii ka marag kacay

Iyo kii moogganaayoow

Maantay meel xun joogtaa

Maalin kalena haba sugin.


Jowhar Maidhane
copyright 2010

No comments:

Post a Comment