Baaq baan wadaaye
Bulshayahay I wada maqal
Taariikh baan leeyahay
Tiirar baa ii taagnaa
Jiil igu hadlaa jiray
Jacayl baa la ii qabay
Xorriyad baa la igu qoray
Xurmo dheeriyaan helay
Khariidada adduunkiyo
Khalqigaa I wada qiray
Dal waliba afkiisaa
Dahab uu ka yeelaa
Run buu ugu faanaa
Riyaaqna wuu ku sheegtaa
Soomaalaay afkiiniyo
Sahaydiinii baan ahay
Sharaf baa la igu qoray
Shaqaalaana ii qumay
Dhaxalkii dhulkiiniyo
Dhaqankiinii baan ahay
Cadceed idiin ilaysiyo
Cilmi baygu gaadhaan
Gefba wuxuu ka yimidayse
Godobtayga galaysaan
Faqri baygu sheegteen
Fogaateen igana faanteen
Qaarkiin imaba qoro
Qaarna ima qadariyaan
Kaligay ma kacayee
Kaalmaan u baahnahay
Laabo wada shaqeeyaa
Libtu ay ku sugan tahay
Maskax adiga kaa maqan
Maanka walaalkaa waydii
Nin dalkiis ka faanayna
Nabad wuu fogeeyee
Waxaa iga dardaarana
Waano iyo waxsheegna ah
Ha loo noqdo afkii iyo
Hiddihiyo dhaqankii
Yaan la daynin diintoon
Yaqiinta Eebe laga tagin
Afka hooyo waa qani
Adduunkaana marag ka ah
Erey lagama waayoo
Ebyoon weeye la ogyahay
Ilaalo ugu roonoow
Isirkaagii weeyee
Ololaha habkiisii
Odayada dhegaystoo
Ubaxa soo koraayana
U tebiya idaylkood
Aabe iyo hooyooy
Aayo iyo ayeeyooy
Eeddo iyo adeeroow
Eebe intuu I siiyoow
Iil ha igu duugina
Iilashadu ma fiicnee
Oohintaydii yeedhaye
Oodda iga qaadoo
Uurka iga jeclaadoo
Uunkana i wada bara.
Cabdisabur Sh. Cali Jowhar iyo Jowhar Maydhane
Copyright © 1998
No comments:
Post a Comment