Saturday, March 27, 2010

RIDWAAN (GABAY)

Ridwaaneey rafaad kaad qabtaa, laabta rogayaaye.
Adeey Ruun daraaddaa indhuhu, ruumad shubayaane.
Rooblaanada gumeysiga Ridwaan, raaxa kala dheere.
Hayeeshee rag baad leedahoo, raamo bixiyeene.
Rasaasteeda Jawxaa ka dhigan, roobka dirireede.

Haddii aan roggaa iyo roggaa, meel isugu raacno.
Rijaashii Afdheer iyo Jigjiga, ruugga wada aasno.
Ridwaan rubadda loo hura midnimo, maad rigriganteene.
Hayeeshee rag baad leedahoo, raamo bixiyeene.
Rasaasteeda Jawxaa ka dhigan, roobka dirireede.

Gabannimo rucleey naawishaa, raacda wadareede.
Raafqarar ragaad baa ajara, reyska qarameede.
Riyaal-qaatayaal baa habciya, riibo iyo duuge.
Hayeeshee rag baad leedahoo, raamo bixiyeene.
Rasaasteeda Jawxaa ka dhigan, roobka dirireede.

Inkastuu ridaay iyo raraay, gaasas nagu riiqo.
Inkastuu na ruugoo Tigruhu, uu rag naga laayo.
Ridwaaneey inaan ridi karnaa, waa run la hubaaye.
Hayeeshee rag baad leedahoo, raamo bixiyeene.
Rasaasteeda Jawxaa ka dhigan, roobka dirireede.

Inkastoo rafaad loo maroo, guushu naga raagto.
Inkastoo rubaad iyo rubaad, qaar la raranaayo.
U riyaaqi doontide xornmo, raalli noqo heedhe.
Hayeeshee rag baad leedahoo, raamo bixiyeene.
Rasaasteeda Jawxaa ka dhigan, roobka dirireede.

Haku raadsho liid iyo basaas, qeyl u raran dhuuge.
Rodol qaad eheey Qaaliyeey, dhaafsan rubaddiiye.
Naftiihure raqiiq geesigaa, raacda-galayaaye.
Ridwaaneey rag baad leedahoo, raamo bixiyeene.
Rasaasteeda Jawxaa ka dhigan, roobka dirireede.

Waxaan kuu rajeyn caafimaad, reysi-nololeede.
Raq weeyaan Wayaanuhu yartaay, waana rubadxoore.
Ku asqoobe Ruushkii birjeex, riishad iyo tooge.
Gabbalkoodu wuu raaracaa, waa ruqiyo liice.
Reynreynta dhaantaa la tumi, roonda calansaare.
Raggaaguna raggeedii Ridwaan, raamo bixiyeene.
Rasaasteeda Jawxaa ka dhigan, roobka dirireede.

Mohamed Abdikadir Daud (Stanza)
Copyright © 2010

No comments:

Post a Comment