Saturday, March 27, 2010

Salaan iyo Farriin

Suhuureey salaan iga guddoon saman kastood joogto

Sadarkii salaan xigay haddaan kugu sifee maago

Saansaanta Rabbi kuu khalqaan sooba koobayne

Sabar iyo waxaan kugu aqaan marti aad soortaaye

Qunyar socodka deggenaanta iyo saluug la’aantaada

Salaaddoo aad badisiyo ha dayn soonka ood gudato



Suhuureey salaan kaddib haddaan sifeeyo xaalkayga

Sebennadan waxaan kaaga hadhay een saaxiib kuu gooyay

Suuraddaada oo aan arkiyo ku seegay maqalkaaga

Salaantana walaal ula hakaday sababo awgoode



Saansaanta dunidaan karhiyo sifadeedoo idile

Ruuxii samaha doonayay indho sarcaaddaaye

Ibleys baa la saaxiib ahoy siro wadaagaane

Sebenkii walbaba seef xun bay Muslinka u sitaane

Waxa ay intaa siinayaan sun iyo waabay e

Soddonkiiba ruux baan arkaa inuu samato baxaye



Sahraay sidaan ku noolahay haddaan sawir yar kaa siiyo

Salaadaha badh baan soo gaadhaa badhna way siigeeyaan

Kolna saddex is biirsaday ayaan sooba celin waayaa

Suxuurtuna hurday iiga tagtaa markii aan soomaayo



Subaxana uma istaago oo xalay baan soo jeedday

Seedahaa I wada daallanoo saqdii dhaxaan imidday

Surwaalkaan ku soo noqday ayaan saari kari waayay

Saxankii bariiskii ayaan gees isaga riixay

Sariirtii baan isku tuurayoon seexday oo aan gama’ay



Saygayga sallid baan ku ahay samo nama dhex yaallaan

mid kastaaba siruu leeyahaan kan kale laba soconnin

Xisaab iyo waxaan kula hadlaa erey samaan beelay

Saacadaha siddeed laga jaraa socod iigu dhamaada

Waa hooyo saddex korisa oo sahal kumaan nasto e

Masarkii ii saarnaan jirayna dantaan ii saamaxahayn

Oo shaqaanan la igu siin lahayn madaxa oon asturo

Sidaydaba ruux suubban baan ahaa siddana ma filayne

Samankiyo dhulka aan joogo baa sababay oo keenay.

Jowhar Maidhane
Copyright © 2001

No comments:

Post a Comment