Sunday, March 14, 2010

Tiro Ma Koobin

Imisaa dhalanaysa
Intee baa dhimanaysa?
Imisaa caawa dhergaysa?
Intee dhagaxyo caloosha
Dhufays uga dhigaysoo
dhicid uga baqaysa?
Intee dhoollo caddayn oo
Dharaartii arooskooda
Dhar u sii tolanaysa?
Imisaase dhimanaysoo
Dhinaca dhulka ku haysoo
Kafan loo dhigay meel?
Imisaa wax dhacaysoo
Dhagarna ay la fududaatoo
Dhiig dadna ku magaagay?
Inteebaa dhididaysoo
Dhuuni ay raadiyaan iyo
Dheef keen u ordaysa?
Inteese dharaaraha dunida
Dhab waaraysa u mooddoo
Dhaxal uun dhiganaysa?
Intee baa dhaxmoonaysa
Dhuunina aaban helaynin?
Dhab adduun badanaa.

Jowhar Maidhane
Copyright ©2010

No comments:

Post a Comment