Saturday, April 24, 2010

"Dood" April poem 10

Dad Dagan Miyaan Ku Duulin Oo Dabada Kama Galin? Iyago Nadaaya Leh(Hargeisa)

Dood Maxeey Kala Dadisay Dalkeena Iyo Dadkeena? Dowlada Maxeey Duntay Oo Diil Miyuun iman?(Xamar)

Dil Dil Dhaafay Maxuu Yimid Oo Cidna La Daaynin? Darood Iyo Hawiye Maxeey Masaakinta Duruufta Ku Adkeyeen(Qabiil)

Duqoowdi Deeganka Maxaa La Dilay Iyaago Dadalaya? Daryeel Daro Darteed Maxeey Dad U la'aadeen? Dadka Kuwii Iskugu Jeclaa Maxaa Leysku Diray?(wadaada)

Dariiq Walba Maxa La Dayi Waayay Dad Daadsan Darteed? Dadkii Daldalayay miyaan Lagu Dul Dilin(meydadka)

Dowladu Maxeey Dadaashay Misane Cagaha Wax Kama Dayin! Daaya Dagaalko Ka Daga Kursiga Miyeen Diidin?(carareen)

Doodi Dagaalbey Ku Imadaaye Kuwi Badalay Miyeen Quruxda Dalka Dusha Ka Diiran? (usc)

Dadaal Nooma Dhina Somaalaay Dad Habaaran Waa Inage, Dooda Inaan Iska Deyno Wax Aan Isku Darsano

Dood Iyo Dagaal Ina Dilooye Baal Ila Daya Degaanada Dagay Ee Dowlada Noqday, Daa'inoow Ilaahow Dadkan Madaxa U Daji Oo Nabad U Dilaaci


Ahmed Abdi
Copyright ©2010

No comments:

Post a Comment