Sunday, April 25, 2010

Horyaal

Anoon dumar kale laheyn
Kalgacalkii aan halleyn
Jaceylkana hagar ka galin
Yartaay haasaawa tagin
Hiinaasa hadduu ku galay
Horyaalka raggaan ohoo
Hoggaan layguma xidhee
Haddaba iga raalli noqo.

Hablaha gabadhaan calmada
Hunfiga milicdaan ka celin
Hufnaan kula qeybsan nolol
Hiddaha dhalashaan tixgelin
Hiinaasa hadduu ku galay
Horyaalka raggaan ohoo
Hoggaan layguma xidhee
Haddaba iga raalli noqo.

Naftii kuu heellaneyd
Ammaantiyo heesihii
Afkii Hodaneey ku yidhi
Adaa hoosaasiyee
Hiinaasa hadduu ku galay
Horyaalka raggaan ohoo
Hoggaan layguma xidhee
Haddaba iga raalli noqo.

Hantiyo lacag qiimo male'
Haddiyo maantaa laheli
Hadhow bey kaa dhammaan
Wajigaa Hodaneey ka wacan
Hiinaasa hadduu ku galay
Horyaalka raggaan ohoo
Hoggaan layguma xidhee
Haddaba iga raalli noqo.

Hawraartiyo caashaqii
Habeensiyo waa abaar
Aroos Hanad kuu dhigaan
Habbooneey kuu rajeyn
Dhaqsaan kuugu hambalyeyn
Hiinaasa hadduu ku galay
Horyaalka raggaan ohoo
Hoggaan layguma xidhee
Haddaba iga raalli noqo.

Anoon Hodan kuu gafeyn
Hablaha kaabadan Habboon
Halyeey iga badan nindoor
Jaceylkaagii ka haray
Hiinaasa hadduu ku galay
Horyaalka raggaan ohoo
Hoggaan layguma xidhee
Haddaba iga raalli noqo.

Mohamed Abdikaadir Daud (Stanza)
Copyright © 2007

1 comment: