Tuesday, June 15, 2010

JABKANI MAXAY TAHAY

noloshayda jeex baan

jigjiga ku dhamaystoo

u jeelanaa nabadoo

waliba u jiboon jiray

gumaysigaba haa jiro

jeelashaba haa buuxo

jabisadii axmaareed

haaba i dul jiiftee

jidkaas baan doortoo

hadaan jahwareersanayn

jiriricada maqaarkiyo

jiidhkoo i dhaqaaqiyo

jabkani maxay tahay?


jifada iyo xigtada iyo

jeeskayga oo idil

sow jaajuus xidhiyo

nacab jaanis uma helin

mana jecli dagaaloo

nabadaan la jeel ahay

juuqayga hadalkana

dhag loo ma jeediyee

jidkaas baan doortoo

hadaan jahwareersanayn

jiriricada maqaarkiyo

jiidhkoo i dhaqaaqiyo

jabkani maxay tahay?


jamaal badan dhulkaygow

kaama xiisa jabin wali

danood iyo jarar iyo

hareeraha jarati iyo

jeexdiniyo shilabiyo

beeraha jinacsaniyo

naftu waxay jamatay

jawiga dhagaxbuur

jidkan aan qaadan rabo

ku jahwareeri maayee

jiriricada maqaarkiyo

jiidhkoo i dhaqaaqiyo

jabkani wuu iska tagi



Ahmad Jilaani Runsheeg
Copyright ©2010

No comments:

Post a Comment