Tuesday, June 15, 2010

QEYLODHAAN

Nafteydaay ha qoomameyn
Rabbigaa waa qaaddir weyn
Qabriga goortaad u hoyan
Waxaad quud cuni laheyd
Ajashu qaabka ay u dhici
Qoomkaad gali aakhiriyo
Qiyaas waxa kuu dambeyn
Adoon dhalan baa la qoray.

Quluubteydaay hufnoow
Qabuuraha aad u eeg
Quraankana aad u dhugo
Qabyaaladi yey ku galin
Adoo qaran beegsan kara
Qabiil ha u hiilin abid
Ha noqon sida geed qallalay
Qadhmuun yaan lagugu oran.

Afkeygoow qowl xun iyo
Dhib iyo qalalaaso jaan
Qulqulatiyo ceeb adduun
Wuxuu qeyrkaa jecleyn
Qamriyo maandooriyiyo
Qaad iyo qurun iyo sigaar
Qiyaamo aan naar ku mudan
Ha noqon qawsaar horkaca.

Isheydaay quliyad naag
Qalqaalida quruxda badan
Timmaha aan abid qarsanin
Qaarkiyo naasaha bannaan
Qalooninee socodka badan
Quraankana aan xurmeyn
Sunnaha aan jeer qaddarin
Qooraansiyo milic u diid.

Nafteydaay ha qoomameyn
Qoolleey qoorqabad biyaha
Waqeed kuma qaabishee
Qaddiyad qaran iyo midnimo
Qiimiyo qeynuun facweyn
Xaqaagoo aad qirtaa
Qirshiyo qarash kaa dhammaan
Quruush haku iibsan abid.

Quluubteydaay hufnoow
Rabbaa qado iyo quraac
Cashiyo quud kuu hayaa
Kuwaa jira qaaradaha
Qarbiga iyo Yurub ku nool
Ameerkana qoodhileyn
Waxey quutulyoom helaan
Ilaahey kaama qadin.

Quraanjada Qarandidiyo
Nibiridaa qirada weyn
Qasriga madaxdaa ku nool
Allaa qeybshaa risqigeey
Dhammaan wada quuddareyn
Malaayiin qani ahaa
Ayaan qirish maanta sidan
Ha quusanin hana khalkhalin.

Maskiin lagu quursan jiray
Dhibkiyo qaxarka uu ku jira
Qawsaar laga faani jiray
Nindoor waayuhu qadfeen
Qanigu ay liidayeen
Gabdhuhu ay qeyrsan jirin
Ilaahey muxuu u qubay
Qiyaas-li'i lagu fatahay.

Isheydaneey qubi ilmada
Nafteydaneey yara qarqari
Quluubteydaneey rogrogan
Adduunyadu qiimo male
Sheydaankaa kuu qurxine
Ayuu kaa qaalib noqon
Qanjaha iimaanka gee
Qudhaadana Eebbe sii.

Rabboow Adaa Qaalib ohoo
Na quudshaa noo qoree
Ilaahayoow Qaaddiroow
Ammaah aan qaadannoo
Barriba nala soo qabtiyo
Qaan iyo naga kaafi deyn
Qeyliyo naga baana eed
Cadaawo ha noo lugqaban.

Noolaha wada quudiyoow
Walaalaha tagay Qarbigee
Markaan yara qeylinnaba
Mashiimaha nagu qufula
Teelkana aan nagaba qaban
Qoraalada naga baddalan
Ku tuugnaye Qaaddiroow
Alloow naga fura qurbaha.

Kobaan la qiyaasi karin
Qalbigu uu naawileyn
Qorshaha aan noogu jirin
Adaa naga quudiyoo
Qammaandhaco nagu rarneyd
Kurbada naga qaada jeer
Adaan kuu qeylyanaye
Qorsheeyoow noo qorshee.

Qaraabiyo saaxiibnimo
Kuwaa aan nagu qaddarin
Kaqaada xawaaladdiyo
Been aan qajilaad laheyn
Raggaa nagu galiya qaan
Haddana qadaf noogu oran
Waryaa isku-qeyr ma nihin
Alloow naga fura qurbaha.

Ilaahayoow Qaaddiroow
Abwaan qaran baan ohoo
Murtidu waa qeylodhaan
Rabboow iguma aadan qadin
Qorsha aan kaa doonay abid
Qaabaaqawseenka dhacay
Haddeerna ma quusanine
Alloow qaran dawladnimo.

Dhamaan ubaxeygan quban
Qaxootiga uu ka boxo
Qabyaaladi ay hartaa
La qeybaa danaha-guud
Taariikhduna ay qortaa
Waxaan shacabka u qaddimay.

Alloow qarankeygi dummay
Markale qaangaar noqdaa
Alloow qarniga Afrikaad
Dhulkeygi ay qeybsadeen
Gummeystaha kuwaa u qalan
Dhammaan qeybihi maqnaa
Xornimo ay qaayibaan.

Allow qabqabliyo dagaal
Qafaalka afduubka iyo
Halyeey loo dila qabiil
Qas iyo iin iyo qudhgoyn
Dulmiga qaangaaray iyo
Quursiga heybsooca iyo
Qardoofaha laga ilboxo.

Mohamed Abdikaadir Daud (Stanza)
Copyright © 2005

No comments:

Post a Comment