Saturday, April 23, 2011

April poems: QAARAD

Qaadir ayaa mahad iska leh, qabiil qabiil wuxuu inoogu abuuray inaan isku garatane, maxaa keenay inaan isku qaatilno?

Qoomyahow kala qabiilka ah, ee isku qarada ah qilaaf wedinkan ka bixi la'asane micnaha QAARAD magaraneysaan mise waxaad u fahanteen sida qabiilka? 

Qadar Eebe weeyo, inaga micnaha Qaarad qabiil ka dorane, qilaafka aan wadano aan isqadarino markan Qaarad kale ku kulano waa qasaare, meys qabana oo qalinka maku duugna micnaha QAARAD?

Qabiil Q aan ka soo qadano oo naxariista Alle A aan ka soo qadano, Lamaanenimo L aan ka soo qadano oo, Isku tiirsanasho I aan ka soo qadano oo , Nabadne N aan ka soo qadano waxaa inoo soo bixi "Qalin"

Qoriga aan tuurno oo qalinka aan qadano, qori wakii ina qatile, qibrad iyo basar inooma yara markan QAARAD kale jogne aan isgacmo qabsano!



Aamiin ilaahow adaan adoontada nahe, aabayalkeen amaan inooma soo wadan oo wadadii awoowayalkeen ma raacin, aqalka dhismahiisa(Soomaaliya) lacag beey ka doorteen, anaguna amaan raadis anooga ah 

Ayaan afar afar kuun u qaxnay, afar kuun wadada afgooye ayaa lagu dilay,afartii kuun ee caaqil aheyd heshiis iyo ibaaro ayaa sabaab u noqotay, afar kuun oonba dilay 

Afar kuun caro afrika ka mid ah ayeey adeen, afartii kuun ee aqliga laheedna gaala afdubatay, afar kuune argagax ayeey lawasheen,

Afar kuun badweynta India ayaa liqday, arliga nabad laguma sheego oo abayaal iyo adeero ayaa garoon dagaal ka dhigtay, abtiyaal haba sheegin oo waxeey ku mashquulsanyihiin aabe ineey hooyo ka furan

Afka iyo gacmahu weey isgabeen sideey amaan u sugayeen alahayoow adaan adoomadaada nahay ee nosoo adeeg!


Arliga oo dhan ayaa nalaga aqoonsaday inaan nahay agoon abayaal leh, abayaal aan la arag oo bbc da laga maqlo iyago dagaal abaabulaya, af aan ruunta ugu sheegno naguma yaal oo waxa ilaaliya ilmo faraha ka falan oo hadaad ka agdhawatid AK 47 kugu amusiinaya

Agagaar agagaar ayeey magalada u kala qeybsadeen oo asxaabteyda ma arko, waxeey raceen agagaarka Agbaal maamulo, ima jecla oo adeeryalkood ayaa neysku keen direen

Aneh waxaan afka u galay aabe iyo asxaabtiisa, dagaalka ayeey ababulan aneh afhayeen ayaan u ahay oo lacag ayuu imaankeygi noqday

Arka oo aamiina, arinta maanta taagan inaan anagu masuul ka nahay, 40 dal luqadooda ayaan bartay oo dadkana kuma saacido, abaheey lacag u isoo dhacshay ayaan aruurshay owlaadi wax baran laheed, baroon iyo basuuke ayaan baran oo buufis dagaal baan galiyay amiina



Rabshada ayaan masuul ka ahay oo wax ruun u ah mobaylkeyga, rugta bbc da baan u isticmaala iyo raga bada igu jira, ruunta heygu nicina dadba rabshada igu garab siiya

Rafaadka aan dhigo waxaa laga dareema isbitalada iyo rugta gacsiga, rashinka wuu yarada, rug rug ayaan wadada u dhiga rag hubeysan, kuwa rafaadsan lama jecla oo racfaan looma qaado

Runta markeey timaado anoo rabi ogyahay inaan ruux ahay, reeraha dibada i dooda oo diyarad isara, rugta shirka marka fariisto dhagool ayaan ahay oo hadalkeyga ayaa laga garta, aqoon aan dilaa ka eheen ma haayo oo kuwa imamuli lahaa anaa soo dilay

Ruunta ayaa saas ah rag iyo dumaryahow, rafaad maxaan ku dhignay reeraheena, rag waa kuwii hore dumarne waa kuwa doqomada ee ruunta inagu jeceyl



Adaa ka masuul ah iyo isaga ka masuul ah ayaan waqti ku luminay, aduunku wuu inaga yaabo maba duqowno, ilmaha aan dhalnay waa inoo amaane inta kale maxaa inaga galay?

Adoon ilaah anagoo ah ayaan afka ka kibirnay, anaga ayaa saxsan oo awood leh ala muxuu aqiiro war jira! afartan sano aan gaarsino dagaalka aqiir samaan waxba inagama galin

Afka ruuxi kugu soo celsha oohintiisa halga dareemo, ayatiin ma rabno oo yaan aqal cusub la dhisin, ruuxi ku iloowa afgabi ku sameey

Astanta lagugu aqoonsado ha noqoto, ayatiin dumis, dhibki dhaca anaa ka masuul ah dheh, aduunku haku ogaado inaad tahay amiirka dagaalka arligagane gacanta u gali cadowga



Dadaal inooma yara oo waxaan ku qalin jabinay taqasuuska dilaanimada, diciifnimo ayaa nalagu yaqaan iyo inaan nahay dad aan dalacin

Darbiyada ayaan sexinay da'yarteena oo qalinka ineey ku shaqeystan anaga u diidnay, kuwa dibada jira dagaal ma yaqanaan oo dunyo kale ayeey ku mashquulsanyihiin

Dalka hadii ladhisi laha kuwa darbiyada dumiya aan u heyna ee iska daa, dunido waa gabo gabo ee aan ka garsiino, gaaf inooma yara oo gar ayaan u sameysanay xishood

Dafaha dunida ayaa nalaga yaqaan oo liiska dilayaalka ayaan ku jirna, dad iskaba dhaaf dugaag xita waan dilnay, daba ku dhilif waa inaga oo ma deyno dadka saxsan, dibjir waa inaga oo wadooyinka ayaan daadsanahay

Dalka hadaan sidan u difacin, inaga ayaa duli ah, darxumada dadkeena waa inoo farxad, iska daa Qaaradan duntay!

I dedicate this poem to my beloved people who had the sources to destroy their motherland, and still trying to keep up the bad job shame on my leaders, and those who support them!

Ahmed Abdi
Copyright ©2011

No comments:

Post a Comment