Thursday, June 30, 2011

Group Poem 22 (Somali Independence Day): Luulyo/ July

Lama ilaabaan waa luuliya
libinta markaan haleelnee,
let's go back to the memory
that no one had forget.
Gumaysiga la lootanee
lug iyo labana gooneee
libaaxyada ku noqonay.
They underestimate a 
great nation full of heroes
included women, aiding our
troops.

Lama ilaabaan waa luuliya
calankeenu markuu luxmee
laydha la dabaashee
lalayay hawadiyo
laamaha dhexdooda.
proud moment that we never 
experienced, thanks to those
who have put their lives on the
line for us.

Lama ilaabaan waa luuliya
lahashada gumaysigiyo
lurkiisii markuu hadheee
laladay hurdada macaane
laamaha hoos seexanay.
Those days were the best
that one could wish, July 
is the month that I wished.


Lama ilaabaan waa luuliya
lo'da iyo duunyadaan lahayn
la lisayay xoolahee
laga raystay gumaysigee
nabada la laasimay.
 We anounce to the world
that we're one, and don't
hate it we're one Somaali
doing things together as
one.
Lama ilaabaan waa luuliya
laxaadka markaan lahaynee
qabiilku na labayneeee
laabteenu xaadhnaydee
la ahaa walaalaha.
 Nothing mattered more
than brotherhood, I dream
more of that unity again.

Lama ilaabaan waa luuliya
leebkiyo qaansadii markan ahaynee
la isu horayay naftee
luflufkiyo laaluushka
laga faanayay leejada.
Let's hope there's a day
that's gonna happen again, 
have faith, and believe it

Luuliyaay lagu liidoo
lagaa raac qabiiloo
laciif iyo waxaan jirin
lugooyiyo laqdaboo
qabiil baa nagu labaan
labaan ukala jabnoo
lama dhowro calankii
laga dhoof dhulkaagii
laga tag ladnaantii
lufluf iyo laaluush
lacag aan badnayn baa
lagu gatay dalkaagii
loo soo dagaalamee
lagu waayay geesiyadiyo
libaaxyadii soomaaliya
 Let's pray for our failed heroes
a wise man once said:
 "Wherever you enter the sea it's salty"
let's pray, and hope they will one day
wake up in patriotism mood.
Laa ilaaha ilalaah
soomaali way luntay
qabiil baa leexsaday
labadii is jeclayde
lamaanaha ahaaye
lurkastoo yimaada
lakala jari waayay
qabiil baa lugooyoo
luqunta isu gashoo
lakala rarayoooo
la hilmaan wanaagi.
 Let's defeat tribe together
restore our pride, and
reunite the lost lovers
for the sake of it.
walaalayaal marka hore salaan ta islaamka ayaaan idinku salaamayaa  asalaamu calaykum bacda salaam caawa waxaan jeclaystay tix yar oo gaaban u sameeyo bisha luuliyo ee ah bishii aan qaadanay xoriyada sida dhamaanteen wada ognahay meel walba oo aan joognana looga dabaal dago inaan idiin soo gudbiyo , runtii maahi abwaanada balse waan iska jeclahay inaan qoro wixii ilaahay ku soo rido qalbigayga kolay waxaan jeclaan lahaa inay isoo saxaa abwaaniintu wixii aan qalday ileeen anigu wax curinta ayaan jeclahay balse waxaa suura gal ah inaan u qori qaabkii loo rabay waadna mahadsanitihiin .
walaalayaal ilaahay bishan bisheeda hana tusiyo dalkeenii oo dawlad caadil ahi ka dhalatay oo si rasmi ah ugu dabaal dagayno luuliya insha'alaah waxaan rajayn in la helo ragii iyo dumarkii bishan u soo halgamayee gumaystihii go'doomiyay oo kale dibna u soo nooleeya nabadii macaaneeyd iyo wadaninimadii dalka soomaaliya loo hayay kolay ruuuxii joogay nabadii ayaa garan kara wanaaga ay leedahay ama qiimaha uu leeyahay dhulkaaga hooye ee cidi hooy ku lahayn khaasatan dadkeenan qurbaha aad ayaan ugu xiisanay dalkii una rabnaa nabad ee ilaahay hana siiyo idinkuan aamiin dhaha waadna ku mahadsantihiin akhrintaad akhriseen wixii aan qalday ka raali noqda wanaag dhamaantii ayaan idiin rabay maca alfa salaam.
                                                          
QORE: Zainab Sheikh Hussein   (Alghazaly) iyo Ahmed Abdi

No comments:

Post a Comment