Thursday, August 18, 2011

GODOB


hagelin godob haysku doonan
weligaa gardarada sokeeye 
waxay kugu noqon guhaade
garqaadoo samaha doon xumaha weligaa ka guur
gidigiin Soomaaliyeey maxaa isu goynaysaan?
maxaa gooni,gooni keeney godoonka maxaydin baday,maxaydin baday?
maxaa duqaydii guhaadshey dhalaankii maxaa gumaaday?
maxaa geeskii Afrikiyo maxaa geyigii ku dhacay?
gacmuhu hooy wada jir bay hubaal wax ku gooyn karaane, gartoo midigta is qabsada guyaal badan way lumeene.
maxaa gubanimada diidan 
maxaa gefka iyo xumaanta maxaa gaar idiinka dhigay wax garadkii aaway heedhe?
gacmuhu hooy wada jir bay hubaal wax gooyn karaane gartoo midigta is qabsada guyaal badan way lumeene.
waxaa ahay gabadh soomaaliyeed oo ku sugan qurbaha
waxaana qoraa geeraarada.
waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa tixdan gaaban oo ku saabsan dadkeena wada dhashay
ee misina is qalanaya mudo aad u dheer.
waxaan is tusay in aan idinla sheer gareeyo tixdan gaaban ee taabanaysa xaalada ay ku sugan yihiin wadankeenu
amaba dadkeenu anoo rajaynaya in xal loo helo mustablka dhow insha,allah.
Haboon
Copyright © 2011

No comments:

Post a Comment