Wednesday, February 1, 2012

Poem by Haboon

Anigoon gu weynayn waxa aan ka goohaa 
ka gubtaa had iyo jeer gacal iyo xigaaloow
dhibaatada gumaystuhu geyigeena badayoo
qoloba gaar ka dhigayoo kala gooyay ehelkii.
ma gartaan dadkayguna in lakala godoon shoo
gaaladu dadaashoo talo ay gudoonsheen
gebo gebo ku gaadheen gurigeenu nabad noqon.
maxaa kula gudboon adi 
maxaad gaar u odhanlayd 
maxaad caawa goyn layd 
garta yaad hor dhigi layd
yaad garab ka sugi layd
duqaydii maxaa guray
aaway eey wax garadkii
culimadii maxaa galay
dadkii geedka tegi jirey
garta hoos u deyi jirey
guurtidii maxaa helay
aaway eey wax garadkii
inata aan is goynoo
gaas iyo kabriid ba,an
gudeheena keenoo
gamta laysu joogsado
ayaad gacal u moodnaa
kuwii galab carawgiyo
lama galada kuu diray
in aan garano weeyaan
dadka xumaha geestiyo 
cadawgeena gaarka ah

Haboon
Copyright © 2012

No comments:

Post a Comment