Wednesday, November 20, 2013

DALSAN

Dalsan ciidaydiyeey
Naftaa kugu diirsatoo
Dareenkaad wehel utahay
Waxaa kugu dega qalbiga
Waxaa deeqdaa indhaha
Dalaan dhinacaaga dhigo
Miyuu dunidaba jiraa
Dantaa iga kaa wade
Markii dumarkiyo caruurtii
Xamdaay duqaydii laxaaqay
Sokeeyihii uu is dilay
Walaalihii deris ahaa
Dabkii kala qaadan baa
Ayaan dalway oo hurdada
Dawaali maseexdo aan
Dal dheeroow laguma dego
Maxaan dibadeey kunacay
Maxaa dhaqan dooris yaal
Maxaad dhalintii dulmiday
Maxaad wiil door ahaa
Diintiisu islaam ahayd
Wax daran aad u hor kacdoo
Surwaal dabadii ka dhacay iyo
Badhkood timihii dabteen
Hubaal dumar shaabeheen
Maxaad inan door ahayd
Edebta daw looga dhigay
Surwaal daba dhuuban iyo
Wax daran aad u horkacdoo
Jidhkeedii debecsanaa
Xubnihii uu daayin yidh
Ded oo qari yaan la’arag
Intii laga deyrey iyo
Ragoo dhami daawadaan


Fatha S Colujoog


Copyright © 2013

No comments:

Post a Comment