Wednesday, February 19, 2014

Shar iyo Kheyr

Adduunyadu waa shuraako
Taariikhduna shey ma dhaafo
Shar iyo kheyr kuu ahaado
Abwaankuna sheykar weeyo
Xumaanta la shaacinaayo
U sheegaha shacabka weeyo.

Fuleynimo shuush xun weeyo
Garaadkoon sheenna weeyo
Khiyaanada shacabka weeyo
Shaqsiyad doqon liita weeyo
Shirqoolka dalkeenna weeyo
Sheydaanka u hiili weeyo.

Sheybaarradi caafimaadka
Kuwii Shaamoow ku laayey
Aqoonyahankiyo shuyuukhda
Waxgaradkiyo shaawilkeenna
Kuwaa hilibkooda shiila
Inaan sheegaa gar weeyo.

Shuucinnimo jaahil weeyo
Shareecada dhaawac weeyo
Shikraha nabaddiidka weeyo
Shisheeye miciinsa weeyo
Dulliga sharafteenna weeyo
Shuraakada cadowga weeyo.

Maantiyo aayaha shabaabka
Hooyada shaaha iibineysa
Si ay ubadka u shafeecda
Shaqaalaha dawladdeenna
Rasaasta kuwaa ku shiisha
Inaan sheegaa gar weeyo.

Tagfiirkani soo shareertay
Shareecada iyo xaddiista
Axkaamtiyo shaagaggeeda
Shihiidnimo been ka sheega
Dhallaan iyo sheybe dooxda
Inaan sheegaa gar weeyo.

Sharciga iyo kala-dambeynta
Is-maqalkiyo wadashaqeynta
Dablaha shacabka u adeega
Maddaalaha sheedda taagan
Inuu qaranka u shihiido
Inaan sheegaa gar weeyo.

Soomaalaay sharafdhaceenna
Shabaab taageeriddooda
Shisheeye addoonsigiisa
Shibtiyo wada aamuskeenna
Abwaaniinteennan shiiqay
Inaan shammiyaa gar weeyo.

Dhib baa shalaliyey dadkeenna
Shiddaa dagalkeenna taalla
Midnimadeennaa shakaalan
Siyaasaa shoobbareysan
Shabaab baa dila haldoorka
Inaan sheegaa gar weeyo.

Waxaa dagan shaariskeenna
Shiish baa kaga furan dhafoorka
Shabaab baa baacsanaaya
Naftiisaa shoolad saaran
Shafkaa laga toogan leylki
Hadduu faaqida sharkooda.

Haddey gabi shucaradeenna
Sharooteeyeen dibnaha
Fuleyguna uu shib yidhi
Shabaabku u gooddiyeen
Anigu waan sheegayaa
Sharkey nala maagan yihiin.

Xil baan shaadeersanahay
Shil-qaran baan diiddanahay
Shishaan ka arkaa dhib culus
Halaag shacabka uu mudneyn
Shaacuunkaa nagu dhax-jira
Inaan sheegaa gar weeyo.

Shalay nimankii na gubay
Hablihi laga sheexi jiray
Suldaan sharaf lagu ogaa
Kuwaa dhuxulaha ku shida
Ninkaan fikirkooda shumin
U qaba sheydaan murtada'a.

Shahaadada ubaxi siday
Cilmiga sey uga shabcaan
Shidaalka kuwii ku dubay
Shukriyo waa mahad Ilaah
Ka sheegay idaacadaha
Miyaan sheekh oran karraa?

Gafkani lala soo shirtagay
Dalkani xaabada ku shidan
Siduu yahay shaawirmaa
Shammuurey sideed u solan
Shukada niman baa u xiran
Iney shaag dawlad rogin.

Waheey shacabkeygiyoow!
Waheey sharaf dawladeey!
Waheey sheekhdeydiyoow!
Waheey shucaradi dalkoow!
Waheey nabad shaabuqdaay!
Shallaayto maxaa na baday?

Sha'nigan gobonnimo ma aha
Shifiyo nabad baa carfoon
Shir-gacaltooyaa gudboon
Ka-shawrka dantaa habboon
Shabaaboow qoriga dhiga
Badbaadiya shibilka dilan.

Si uu calankeenna sharaf
U yeeshoo ugu shalcada
Shurdada iyo ciidankeenna
Sharciga ay ugu dhaqmaan
Shiqaaqada looga baxa
Amniga guud kala shaqeeya.

Shucbadu dhagar bey wadaan
Shirqool-qaran bey dummaan
Shanshadey geesiga jabshaan
Baley la shabbaaxtamaan
Nin aan shacabkaba u nixin
Asagaa shuuciga ka daran!

Shareecada caawiyoow
Bukaannada shaafiyoow
Shukriga lagu caabudoow
Awoodaha sheywalboow
Alloow ciiddeydan shidan
Soomaalida sharaf u yeel
Alloow shacabkoo is-jecel.

Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza)

No comments:

Post a Comment