Saturday, October 25, 2014

Talo

Talo waa tii shalay
Midina waa ta bariye
Tan maanta maanka dagtay
Ayaa maqal iga mudane

Tartanku baday
Tanaazulkuna yaraaye
Eebow talada toosi
Tubtana tabac

Taan dooni iyo taad tilmaanantayba
Tirtiirsanka maanku toobiyaye
Tijaabadu tix-raac mooyee
Tol ma tidicdee
Tabartuna yaraataye
Allow tiirkaad jeceshahay
noo dooroo
Teena danbe wanaaji

Written by: Muxyidin Sayid

No comments:

Post a Comment