Monday, April 12, 2010

Saman

Saman hore midka aan ku sugannihiyo safkii dhexdooda tegay

San-ku-neefle aadmiga intii seefta malag qaadday

Qabri Eebahay suureeyay sannado yaallaane

Saacaddan waxay guranayaan seerahay beerteene

Sahayduu dhigtuu ruux walbaa saaxi u hayaayoo

sina ugama soo bixi karaan suurtoon la afuufin;

Sokeeyoow illayn seeftu waa mid aan la seegayne

Haddaad samo falaysoo aad tahay ruux san oo toosan

Iyo haddaad xumaan salaqsatoba qabri ma seegaysid;

Dharaartii haddaad soomaysood leyl salaad hayso

Amma aad xijaab saydhay oo aad diin saluugayso

Ogow wedkaan la seegaynin oo qabri baa ku sugaayee;

Sokeeyoow illayn seeftu waa mid aan la seegayne

Haddaad isla sarraysoo saraha tan u dheer lagu saaro

Oo lebiska iyo soorta aad saacad walba beddesho

Iyo haddaad ifka ka saahiddoo sibidhka aad seexan

Oo saxanka keliyaata aad saddex ku dhaafayso

Ogow wedkaan la seegaynin oo qabri baa ku sugaayee;

Sakaaraadku saacadda uu yimaad sariirna aad taallo

Sanka iyo xubnuhu goorta ay dareere sii daayaan

Saacaddaada markay gaadho ee nafta lagaa siibo

San-ku-neefle intii kuu dhawayd lilmada saydhayso

Oo qaarkii sedriga kaa jeclaa samirka ay seegaan

Sokeeyahaaga midkii ugu dhawaa biyaha kugu saydho

Saqiir sebi ah sidii aad tahayna saabuun kugu maydho

Goorta kafan lagugu sigib tiree laxashka lagu saaro

Salaaddii janaasada wakhtiga sarajoog lagu oogo

Si dhakhso ah markii loo kacee aaska loo yaaco

Qabri kugu sar go’an laguu qodee lagugu sii ridayo

Sawd aan la maqal baad ku odhan ‘Saaxiibayaal I dhiga

sokeeyoow halkaad ii siddaan samo ma yaallaane

xumahaan siraystiyo waxaa I sugi su’aashiiye

salaaddaan ka tegay oo mas baa iga sawaab marinne

abeesooyin baan sii arkaa safan hareeraha e

sidaan idiin jeclahay anigu marnaba idinma siiyeene

qalbigiinna samihii muxuu saaka uga suulay?”

Salkaa lagu dhigoo ciiddii baa lagugu soo geddiyay

Saanta ugu danbaysana markaad maqasho socodkeedaa

Lagu soo fadhiisini sidaad hurdo ka soo seleshay;

Sifadoodu laba ay darantahaa su’aal ku waydiinne

Nin wallowba saacaddan is qabo caawa ha la sugine

Salaamkana u soo noqo santaag samo laguma gaadhee.


Jowhar Maidhane
Copyright © 1999

No comments:

Post a Comment