Showing posts with label Ahmad Jilani Runsheeg. Show all posts
Showing posts with label Ahmad Jilani Runsheeg. Show all posts

Tuesday, June 15, 2010

JABKANI MAXAY TAHAY

noloshayda jeex baan

jigjiga ku dhamaystoo

u jeelanaa nabadoo

waliba u jiboon jiray

gumaysigaba haa jiro

jeelashaba haa buuxo

jabisadii axmaareed

haaba i dul jiiftee

jidkaas baan doortoo

hadaan jahwareersanayn

jiriricada maqaarkiyo

jiidhkoo i dhaqaaqiyo

jabkani maxay tahay?


jifada iyo xigtada iyo

jeeskayga oo idil

sow jaajuus xidhiyo

nacab jaanis uma helin

mana jecli dagaaloo

nabadaan la jeel ahay

juuqayga hadalkana

dhag loo ma jeediyee

jidkaas baan doortoo

hadaan jahwareersanayn

jiriricada maqaarkiyo

jiidhkoo i dhaqaaqiyo

jabkani maxay tahay?


jamaal badan dhulkaygow

kaama xiisa jabin wali

danood iyo jarar iyo

hareeraha jarati iyo

jeexdiniyo shilabiyo

beeraha jinacsaniyo

naftu waxay jamatay

jawiga dhagaxbuur

jidkan aan qaadan rabo

ku jahwareeri maayee

jiriricada maqaarkiyo

jiidhkoo i dhaqaaqiyo

jabkani wuu iska tagi



Ahmad Jilaani Runsheeg
Copyright ©2010

hees: KAA DOONAY MEEL DHEER

sida ubax dilaacay

ama roobkoo da'ay

daymada barwaaqee

indhahaa ku dugsadoo

kama daalaan aragoo

dookhaygaad noqotee

naftaydaa ku doontoo

xaalkeedu ma daganoo

hurdo diiday habaynkii

kaa doonay meeldheer

kaa dayay aduunkee

kaa doortay hablahoo idil

maxaad damacday adigu?


dibna qalin la moodyaay

indha deero leeyeey

dumarba u qiima badan

qalbigayga dawaysaay

darajadeedu saraysaay

markaan ku dayaba

sida dayax ilayskii

dunidaba iftiimiyee

quruxdaadu i deeqee

kaa doonay meel dheer

kaa dayay aduunkee

kaa doortay habloo idil

maxaad damacday adigu?


da'daa iyo asaagaa

dalkeeniyo dibada jira

adaan kaa dalbadoo

beerkayga dushiisiyo

wadnaha dacaleedaad

inbadan dawaaftee

haa igu daawanine

haana i dafirinee

igula dadaal caashaqa

kaa doonay meel dheer

kaa dayay aduunkee

kaa doortay habloo idil

maxaad damacday adigu?


Ahmad Jilani Runsheeg
Copyright ©2010