Tuesday, June 15, 2010

hees: KAA DOONAY MEEL DHEER

sida ubax dilaacay

ama roobkoo da'ay

daymada barwaaqee

indhahaa ku dugsadoo

kama daalaan aragoo

dookhaygaad noqotee

naftaydaa ku doontoo

xaalkeedu ma daganoo

hurdo diiday habaynkii

kaa doonay meeldheer

kaa dayay aduunkee

kaa doortay hablahoo idil

maxaad damacday adigu?


dibna qalin la moodyaay

indha deero leeyeey

dumarba u qiima badan

qalbigayga dawaysaay

darajadeedu saraysaay

markaan ku dayaba

sida dayax ilayskii

dunidaba iftiimiyee

quruxdaadu i deeqee

kaa doonay meel dheer

kaa dayay aduunkee

kaa doortay habloo idil

maxaad damacday adigu?


da'daa iyo asaagaa

dalkeeniyo dibada jira

adaan kaa dalbadoo

beerkayga dushiisiyo

wadnaha dacaleedaad

inbadan dawaaftee

haa igu daawanine

haana i dafirinee

igula dadaal caashaqa

kaa doonay meel dheer

kaa dayay aduunkee

kaa doortay habloo idil

maxaad damacday adigu?


Ahmad Jilani Runsheeg
Copyright ©2010

No comments:

Post a Comment