Showing posts with label Jowhar Maydhane. Show all posts
Showing posts with label Jowhar Maydhane. Show all posts

Saturday, April 24, 2010

Cammuud

Ciid baa la i dhigaayaa

Cammuud baa la igu rogayaa

Cidlo baa la iiga tegayaa



Cadaw kii u darnaa iyo

Cayayaano idayl baa

Cabsi la iigu xidhayaa



Cirsan baanan helaynin

Ciil baan wax taraynin

Cadho waanay cudud noqonayn

Cirkii baanan arkaynin



Cunto cayn ay ahaatiyo

Cabbid baan la i siinayn

Carradaa i cunaysa

Cadkaygii jaranaysa



Cisho aanan fogayna

Cadba waabu I daayay

Lafo cad baanan ahoo

Caddiir aanu u oollin;



Cadar haba igu sheegin

Cadkaagaa qudhmay oo

Caalamkii kharribaaya;



Culimayse ahaayeen

Cabsi bay ka qabeenoo

God yar bay kugu cidhiidhyeen;



Camalkaygaa xumaayoo

Cabsi iyo anfariir baan

Celin waayay su’aashii



Cidladii qabrigaana

Cidhiidhi lagiigu siyaadshoo

Calooshayda kaceediyo

Feedhahaa i caynwareegtay;



Ciddii walboo I maqlaysaay

Caawaan kuu digayaaye

Camalkaaga wanaaji

Ciid ayaa ku sugaysa

Caaddilkaa ku xisaabin

Cimrigaagiyo maalkiyo

Caafimaadkuu ku waydiin

Ee hadda caabud Ilaahay.

Jowhar Maidhane
Copyright © 1994

Monday, April 12, 2010

Shankarroon

Shankarroon gabadh toosan
shabbad weeye dhawrsoonoo
shalmadday huwanaysay
sharka isaga dedaysaa;
shukaday xidhanaysay
shiki isaga fogaysaa;
sharabaadkaan debcaynbuu
shaydaan uga durkaayaa;

Shibbanaanta xishoodkiyo
shisheeyahoy iska shareertaa
shar ka weyn loogu geystaa
sheeko kasta loogu keenaa
shir walba loogu xasuustaa;

Shanteeday tukanaysaa
uunsigay shidanaysaa
shan ubaday korinaysaa
shuuradood karinaysaa
noloshii nebigeenniyo
casharaday ku shuqloontaa;

Sheekheedoy adeecdiyo
shilin xalaaloy naqaysaa
sharle oo dhan u eegtaa
sheekadeeda u baadhaa
shey kastana ugu eershaa;

Sheekheeday sharfaysaa!
shanqadhiisa goortay maqashee
shaqo uu ka yimaaddo
shandadday ka dhigaysaa
sharaf bay u salaami;
shiillimaadkay ku dheertoo
shan nooc oon la aqoon bay
miiska ugu sharraxaysaa;

Shaahay kaga dejinaysaa
sheekadiisa idayl iyo
shiddadii maalintaasay
sharaf uga dhegaysan;
shilinkii uu dharaartaa
soo shaqeeyay idaylbuu
shanta farood uga dhiibaa;

Iyadoo shan-ka-roonoo
shaqadaasi dhan haysaa
'shareeratooy' lagu caayaa
shiid loola istaagaa
oo shuuci walliba u laayaa.


Jowhar Maidhane
Copyright © 1992

Saman

Saman hore midka aan ku sugannihiyo safkii dhexdooda tegay

San-ku-neefle aadmiga intii seefta malag qaadday

Qabri Eebahay suureeyay sannado yaallaane

Saacaddan waxay guranayaan seerahay beerteene

Sahayduu dhigtuu ruux walbaa saaxi u hayaayoo

sina ugama soo bixi karaan suurtoon la afuufin;

Sokeeyoow illayn seeftu waa mid aan la seegayne

Haddaad samo falaysoo aad tahay ruux san oo toosan

Iyo haddaad xumaan salaqsatoba qabri ma seegaysid;

Dharaartii haddaad soomaysood leyl salaad hayso

Amma aad xijaab saydhay oo aad diin saluugayso

Ogow wedkaan la seegaynin oo qabri baa ku sugaayee;

Sokeeyoow illayn seeftu waa mid aan la seegayne

Haddaad isla sarraysoo saraha tan u dheer lagu saaro

Oo lebiska iyo soorta aad saacad walba beddesho

Iyo haddaad ifka ka saahiddoo sibidhka aad seexan

Oo saxanka keliyaata aad saddex ku dhaafayso

Ogow wedkaan la seegaynin oo qabri baa ku sugaayee;

Sakaaraadku saacadda uu yimaad sariirna aad taallo

Sanka iyo xubnuhu goorta ay dareere sii daayaan

Saacaddaada markay gaadho ee nafta lagaa siibo

San-ku-neefle intii kuu dhawayd lilmada saydhayso

Oo qaarkii sedriga kaa jeclaa samirka ay seegaan

Sokeeyahaaga midkii ugu dhawaa biyaha kugu saydho

Saqiir sebi ah sidii aad tahayna saabuun kugu maydho

Goorta kafan lagugu sigib tiree laxashka lagu saaro

Salaaddii janaasada wakhtiga sarajoog lagu oogo

Si dhakhso ah markii loo kacee aaska loo yaaco

Qabri kugu sar go’an laguu qodee lagugu sii ridayo

Sawd aan la maqal baad ku odhan ‘Saaxiibayaal I dhiga

sokeeyoow halkaad ii siddaan samo ma yaallaane

xumahaan siraystiyo waxaa I sugi su’aashiiye

salaaddaan ka tegay oo mas baa iga sawaab marinne

abeesooyin baan sii arkaa safan hareeraha e

sidaan idiin jeclahay anigu marnaba idinma siiyeene

qalbigiinna samihii muxuu saaka uga suulay?”

Salkaa lagu dhigoo ciiddii baa lagugu soo geddiyay

Saanta ugu danbaysana markaad maqasho socodkeedaa

Lagu soo fadhiisini sidaad hurdo ka soo seleshay;

Sifadoodu laba ay darantahaa su’aal ku waydiinne

Nin wallowba saacaddan is qabo caawa ha la sugine

Salaamkana u soo noqo santaag samo laguma gaadhee.


Jowhar Maidhane
Copyright © 1999

Sunday, March 28, 2010

Saman

Saman hore midka aan ku sugannihiyo safkii dhexdooda tegay

San-ku-neefle aadmiga intii seefta malag qaadday

Qabri Eebahay suureeyay sannado yaallaane

Saacaddan waxay guranayaan seerahay beerteene

Sahayduu dhigtuu ruux walbaa saaxi u hayaayoo

sina ugama soo bixi karaan suurtoon la afuufin;

Sokeeyoow illayn seeftu waa mid aan la seegayne

Haddaad samo falaysoo aad tahay ruux san oo toosan

Iyo haddaad xumaan salaqsatoba qabri ma seegaysid;

Dharaartii haddaad soomaysood leyl salaad hayso

Amma aad xijaab saydhay oo aad diin saluugayso

Ogow wedkaan la seegaynin oo qabri baa ku sugaayee;

Sokeeyoow illayn seeftu waa mid aan la seegayne

Haddaad isla sarraysoo saraha tan u dheer lagu saaro

Oo lebiska iyo soorta aad saacad walba beddesho

Iyo haddaad ifka ka saahiddoo sibidhka aad seexan

Oo saxanka keliyaata aad saddex ku dhaafayso

Ogow wedkaan la seegaynin oo qabri baa ku sugaayee;

Sakaaraadku saacadda uu yimaad sariirna aad taallo

Sanka iyo xubnuhu goorta ay dareere sii daayaan

Saacaddaada markay gaadho ee nafta lagaa siibo

San-ku-neefle intii kuu dhawayd lilmada saydhayso

Oo qaarkii sedriga kaa jeclaa samirka ay seegaan

Sokeeyahaaga midkii ugu dhawaa biyaha kugu saydho

Saqiir sebi ah sidii aad tahayna saabuun kugu maydho

Goorta kafan lagugu sigib tiree laxashka lagu saaro

Salaaddii janaasada wakhtiga sarajoog lagu oogo

Si dhakhso ah markii loo kacee aaska loo yaaco

Qabri kugu sar go’an laguu qodee lagugu sii ridayo

Sawd aan la maqal baad ku odhan ‘Saaxiibayaal I dhiga

sokeeyoow halkaad ii siddaan samo ma yaallaane

xumahaan siraystiyo waxaa I sugi su’aashiiye

salaaddaan ka tegay oo mas baa iga sawaab marinne

abeesooyin baan sii arkaa safan hareeraha e

sidaan idiin jeclahay anigu marnaba idinma siiyeene

qalbigiinna samihii muxuu saaka uga suulay?”

Salkaa lagu dhigoo ciiddii baa lagugu soo geddiyay

Saanta ugu danbaysana markaad maqasho socodkeedaa

Lagu soo fadhiisini sidaad hurdo ka soo seleshay;

Sifadoodu laba ay darantahaa su’aal ku waydiinne

Nin wallowba saacaddan is qabo caawa ha la sugine

Salaamkana u soo noqo santaag samo laguma gaadhee.


Jowhar Maidhane
Copyright © 1999

Saturday, March 27, 2010

Alle Waa Casiis Weyn

Allahaas Casiiskee ceeb aan lahaynoow
Kan cibaadadiisu xaqa tahay cid gudaase yar tahoow
Cabbirkiisa Allahaan carrabku koobi karinoow
Cirka Allaha taagee camiree asteeyoow
Cimrigeenna guud iyo calafkeenna kan hantoow
Caqligeenna Allihii cabiree qiyaasoow
Cidhibteenna Allihii Cilmigiisa ku ogoow
Cadaabtiisa Allahaan cidina celin karaynoow
Caydhiyo abaartana cidduu rabo ku taabtoow
Gaalku kan uu ku caasiyay misna calafkiisa siiyoow
Cadaw kan aanu dhibi karin culaysna aanu ku haynoow
Adigaa Casiis ahe cadaabtaada naga kori.

Jowhar Maidhane
Copyright © 2000

Salaan iyo Farriin

Suhuureey salaan iga guddoon saman kastood joogto

Sadarkii salaan xigay haddaan kugu sifee maago

Saansaanta Rabbi kuu khalqaan sooba koobayne

Sabar iyo waxaan kugu aqaan marti aad soortaaye

Qunyar socodka deggenaanta iyo saluug la’aantaada

Salaaddoo aad badisiyo ha dayn soonka ood gudato



Suhuureey salaan kaddib haddaan sifeeyo xaalkayga

Sebennadan waxaan kaaga hadhay een saaxiib kuu gooyay

Suuraddaada oo aan arkiyo ku seegay maqalkaaga

Salaantana walaal ula hakaday sababo awgoode



Saansaanta dunidaan karhiyo sifadeedoo idile

Ruuxii samaha doonayay indho sarcaaddaaye

Ibleys baa la saaxiib ahoy siro wadaagaane

Sebenkii walbaba seef xun bay Muslinka u sitaane

Waxa ay intaa siinayaan sun iyo waabay e

Soddonkiiba ruux baan arkaa inuu samato baxaye



Sahraay sidaan ku noolahay haddaan sawir yar kaa siiyo

Salaadaha badh baan soo gaadhaa badhna way siigeeyaan

Kolna saddex is biirsaday ayaan sooba celin waayaa

Suxuurtuna hurday iiga tagtaa markii aan soomaayo



Subaxana uma istaago oo xalay baan soo jeedday

Seedahaa I wada daallanoo saqdii dhaxaan imidday

Surwaalkaan ku soo noqday ayaan saari kari waayay

Saxankii bariiskii ayaan gees isaga riixay

Sariirtii baan isku tuurayoon seexday oo aan gama’ay



Saygayga sallid baan ku ahay samo nama dhex yaallaan

mid kastaaba siruu leeyahaan kan kale laba soconnin

Xisaab iyo waxaan kula hadlaa erey samaan beelay

Saacadaha siddeed laga jaraa socod iigu dhamaada

Waa hooyo saddex korisa oo sahal kumaan nasto e

Masarkii ii saarnaan jirayna dantaan ii saamaxahayn

Oo shaqaanan la igu siin lahayn madaxa oon asturo

Sidaydaba ruux suubban baan ahaa siddana ma filayne

Samankiyo dhulka aan joogo baa sababay oo keenay.

Jowhar Maidhane
Copyright © 2001

Wednesday, March 17, 2010

Albaabo Gadaashood

Aroos baa caawa la soo gelbiyayoo gurigan waa laga qoslaayaa

Gurina geeri baa heshoo galabta laga ooyayaa

Gurina cudur baa galoo qandhaa la gariirayaa

Gurina girgiraan la shidinoo gaajaa lala guuxayaa

Gurina ibleys baa guboo gacalkii kala guurayaa

Gurina cadaw baa galoo dadkii la gumaadayaa

Guulahaana giddigood arkaayoo arrinkooduu gorfaynayaa.



Jowhar Maidhane
Copyright © 2000

Sunday, March 14, 2010

MURTI

Malab aanad helaynin
maskaxda ha isaga waalin
midho aanad arkaynin
maanka looma mashquulsho
mushkilad aanan ku haysan
masuulkeed lama qaado;

Muraadkaaga looma daayo
*mardaddabaanka insaanka
maxaa yeelay macaanka
midhaha aad guran doontuu
maaggan yahay inuu baajo;

Maxaad maanta helaysaa
murugo looguma yeedho
maxaa nolosha adkeeyay
muddo looma fadhiisto;

Ma awoodo dhammaynteed
dadaal loogama joogo
ma tijaabin daraaddeed
murti loogama laabto
midho gunti kuugu jirana
kuwo geed saaran looma daadsho.

Jowhar Maidhane
Malab aanad helaynin
maskaxda ha isaga waalin
midho aanad arkaynin
maanka looma mashquulsho
mushkilad aanan ku haysan
masuulkeed lama qaado;

Muraadkaaga looma daayo
*mardaddabaanka insaanka
maxaa yeelay macaanka
midhaha aad guran doontuu
maaggan yahay inuu baajo;

Maxaad maanta helaysaa
murugo looguma yeedho
maxaa nolosha adkeeyay
muddo looma fadhiisto;

Ma awoodo dhammaynteed
dadaal loogama joogo
ma tijaabin daraaddeed
murti loogama laabto
midho gunti kuugu jirana
kuwo geed saaran looma daadsho.

Jowhar Maidhane
Copyright © 1993

Tiro Ma Koobin

Imisaa dhalanaysa
Intee baa dhimanaysa?
Imisaa caawa dhergaysa?
Intee dhagaxyo caloosha
Dhufays uga dhigaysoo
dhicid uga baqaysa?
Intee dhoollo caddayn oo
Dharaartii arooskooda
Dhar u sii tolanaysa?
Imisaase dhimanaysoo
Dhinaca dhulka ku haysoo
Kafan loo dhigay meel?
Imisaa wax dhacaysoo
Dhagarna ay la fududaatoo
Dhiig dadna ku magaagay?
Inteebaa dhididaysoo
Dhuuni ay raadiyaan iyo
Dheef keen u ordaysa?
Inteese dharaaraha dunida
Dhab waaraysa u mooddoo
Dhaxal uun dhiganaysa?
Intee baa dhaxmoonaysa
Dhuunina aaban helaynin?
Dhab adduun badanaa.

Jowhar Maidhane
Copyright ©2010

Amiin

Amiinoow adduunyadani waa laba ayaamoode

Aadanaha ninkii aqli leh baa ugu ayaan roone

Aakhiro wuxuu geysan buu eegga fiirshaaye

Allahiisu arrinka uu faruu asluub ka yeeshaaye

Ma ambado, hadduu ammin gafana Alluu u laabtaaye

Oohin iyo baryuu ula noqdaa asoon is weyneyne

Anfacuu heluu ku hor marshaa ayaammo kii qadaye

Agoonkiyo miskiinkuu dhawraa ibnu sabiilka ahe

Aadanuhu intay wada hurdaan waa uu ooyaaye

Allahiisa buu tuugayaa inuu ajiibaaye

Aroortiina soon baa u xidhan intuu ka afuraaye

Indhihiisa nuurkooda guud waa akhris Qur’aane

Midigtiisu intay bixisay abid bidixdu ma ay oga e

Maqalkiisa aadaanka buu ugu raaxeeyaaye

Addimadiisa gurigii Alluu ugu socdaa abide

Astur buu faraa eheladiyo ooriduu qabo e
Ilmihiisuu diin ku edbiyaa adeeciddii Alle e

Irsiqooduu intaa raadiyaa Allaa illayn faraye

Adkaar iyo xuska Ilaahay buu afka ku daalshaaye

Addoonkaas Ilaah toosiyee amaanta loo badiyay

Astaantiisa aan yeelannoo abid aynaan daynin.

Jowhar Maidhane
Copyright © 2010

Run Qadhaadh

Qaraabooy salaan qiimo wayn bilawga iga qaada

qalbi ka timid idiin daacadoo Qaadirka tuugaaya

barwaaqiyo inuu idinku sugo Boqorku raxmaddiisa;

Dadkii qarbiga idinkaga maqnaa qawl yar ka dhegaysta

maqalkiinna I amaahiyoo qora odhaahdayda

bal aan sheego waaqica qurbaha qayb yar oo ka mid ah:

Warqad qoran meydka aan loo helayn oo qalin lagu duugay

taasoo qiraysa geeridoo qaranku oggolaaday

maydkiisa lama qariyo oo qabriga lama geeyo;

Qol yar baana laysaga qarshaa qaboojiyaha daaran

qaybaha muhiimkiyo waxaa laga qaataa qalbiga

dabadeedna sidii qarbad la tolay qodobbo lagu jiidaa;

Goortay qaadaan bay arkaan qaraabadiyo ehelku

kolkaasay qayliyo isku daraan dacwad aan qiimi lahayn

“qarankaa saxeexaa” la odhan “wasiirkaa qala na yidhi”

“Oo qeexa waxa dilay qofkani qiilna u sameeya”

markaasay ku quustaan intii qaraabo la ahaydi

qaddar dhacayna lama soo ceshee maydkooday qaataan;

Qof aan laxash ku jirin lama duugee qorigii bay keenaan

goortay dhaqaan ee ay kafnaan qafaskii bay geliyaan;

qabrigana qodaalkiisii waa dhib kale oo qabsaday;

Xilligaa qaboobihii ah oo barafkii baa qariyay

qabrigii la qoday ee la qoday qoyaan biyaa fadhiya

“illayn lagama qallajini karee maydka naga qariya”;

Qalbigoodu in kastuu jeclaa in aanay ka dhaqaaqin

qadhqadhyaa dadkii haysa oo baabuurkii baa qandac ah

markii la iska qariyaba dhakhsaa qabawga looga galay;

Qofkii sii joog maagee is yidhi waad ku cibro qaadan

qabawgaan u yeelaynin oo dhulkaanu qabanaynin;

taasi waa khasaaraha qurbaha qayb yar oo ka mid ah;

Qodob kale haddaan wax ka idhaa quutul yowmkeenna

inta badan qansiir baa ku jira qasacyadaan furanno;

qiil umaannu helin oo annagu umaanu soo qasdiyin

balse boqollaal magac bay siiyeen qudhunka doofaar ah;

quraacdana haddii aanu ku jirin qadadii baa khasab ah;

khamradaa iyana la mid ahoo badanaa lagu qaldamaa;

qaabkaasay cuntadeennu tahay iyo hab aanan qeexayn

markaasaannu Qaadir Alle rabnaa ducaduu naga aqbalo;

taasi waa khasaaraha qurbaha qayb yar oo ka mid ah;

Qodob kale haddaan wax ka idhaa qaadashada ribada

nimaan quudan qolal ma uu dhistoo qasri ma uu taagto

gaadhi qashti ah oo cusub ma wado quruxna ma uu yeesho

qalabka u sarreeyiyo ma helo qayrkii waxay haystaan;

dhaqankaan ku noolnahay ayaa nagu qasboo na baray

qiil umaanu helin aan ahayn qayrkeen baa yeelay;

Taasi waa qasaaraha qurbaha qayb yar oo ka mid ah;

qodob kale haddaan wax ka idhaa qafasyadaan ku jirno

qolal kooban baan deggenahoo qorraxdii baa nagu yar
bannaankiina qudhun kii ka daran iyo qas baa yaalla

haween qaydku ku yaraaday oon qarinayn laabtooda

iyo Qawmu-Luudkaa ku badan qaaradda aan joogno;

dumar baa la qabsadiyo waxaa badan ilmo la qaatay

amma mayd qar laga tuuray oo geedo lagu qariyay;

intaasina waa waaqica qurbaha qayb yar oo ka mid ah

wada qorina maayoo badh buu qalinku ka xishooday;

sida waalid ilmihii uu dhalay qabsaday oo xoogay

amma waalid qaxarkii dunida ubadkiisii u qalay

arday qaatay qori oo dugsiga qayrkii boqol laayay

amma macalin caashaqay ilmo aan waliba qaangaadhin

oo khasab xumaan ugu qarsada xilliga qadadiisa;
Qalbigaygaan ogolaan karayn inaanba sii qeexo

qaska iyo qudhunka qurbaha yaal oo aan ka qisoodo

qasdigase aan u qoreen badhkood qalinka ula raacay

waa qaraabooy inaad ku quusataan qaxarka naga gaadhay

intii qorshaysanaysaay bal arag waxa ku qalbi qaaday

qoomamiyo ciil bay qabaan qayrkaa intii timidday

Shan kastoo laguu qurxiyo oo dhibka lagaa qariyo

Oo aad tigidh u soo qaadatood qaarado soo jeexdo

danba waad u qaabili hadduu qaddarku kugu beego;


Qorsho idiinma wado loo bogiyo biil aan idiin qorayo

mana aha inaydinka qarsaday qasnado ii yaalla

hayeeshee taladaa qaaliyuu hoogay kii ka qaday;


Calooshoo qaddaa kaaga roon ubadkoo kaa qayirma

amma dawladduba qaadatoo qiil lagaaga dhigo

qori baad ku dhufatiyo mar buu qaylo kaa sheegtay;


Qaangaadh ninkii keenayaa qiil ha raadsado eh

qaladkiisu waynaa ninkii saqiir u soo qaaday

kiiyoo aan tii qumanaydba baran qarbiga soo geliyay;


hadalkiisa markuu quudhsadee Qur’aanka uu diido

amma qunyar uu ka dhaqaaqo uu Qowmu-Luud raaco

ha qoonsado qorshihiisii horiyo taladiisii qaldanayd.


Jowhar Maidhane
Copyright © 2007

Monday, March 8, 2010

Midka Oofta Kaba

Allahii awooddiis

ku alkumay adduunkee

ayaantaas qiyaamaha

markay arladu soo bixin

intii uurka u fadhiday

ashkatona u haysato

aadmiga badhkiisee

ku dul oogi amar weyn

aadmiguna weelayn

war uu waa inkirayee

amarkiisu fulayoow



Umadaha kan uumoow

midka oofta kaba oow

allahayoow Adigaa weyn

abuurkaagu taam yahay

arxankaagu badan yahay

amarkaana fulayaa

allahii ugaadhiyo

aadmiga abuuroow



Allahaan ammaantiis

iyo awoodduu leeyahay

afkaygu koobi karinee

kana aamusaynoow;

arageenna dhaayaha

Allaha noogu deeqee

ammaan noogu darayee

arrimaha layaabka leh

uunkani ku debberoow



Allaha aan had daalayn

Awoodiisna aan ognahoow

Allahay adduunyadu

Amarkiis ku socotoow

Allahii agoomaha

Anfacooda siiyoow



Allahii addoomaha

Aqoon oo dhan barayoow

Addinleyda socotiyo

Inta hawada duushiyo

Inta badda mushaaxdiyo

Inta duurka ku shirtaa

Allahay u noqonnoow

Allahii ayaamaha

Kor u dhaafshay afaroow

Allahii adoomaha



Astaantooda kala duway

Misna isku ekeeyoow

Allahii ay garashadu

Agtiis nooga timidoow

Adigaan awooddaa

Arxan kaa dalbaynaa

Adigaa abaabula

Amarkee Allahayoow

Na arsuq oo na taam yeel

Aakhirona abraartiyo

Ambiyadaada nala jiri.


Jowhar Maidhane
copyright 1994

Saturday, March 6, 2010

Somalia

My home, my land
You are my hope,
In you I found the best of home
To me you gave so much joy
But life has taken me a place afar
And I cannot help but only cry,

For all the souls who died for you
For all the heroes who served you
May God give them the best reward,

May peace and harmony come back to you
May peace come back and stay for good
May God make you the best of all
Somalia
My home, my land, you are my hope.


Jowhar Maidhane
copyright 1994

Friday, March 5, 2010

MURUGO

Mashaqaa adduunkii

Muuqiisii beddeshoo

Madaw baa insaankii

Ku meegaaraan giddiyoo

Muslinkaa u daranoo

Murugay qabaanoo

Meel walba looga yimidoo



Mashxarad iyo qosol baa

Gaalo ay ku maqan tahoo

Musiibada ay gaysteen

Mid aan maqallay maahee

Ruuxii ka marag kacay

Iyo kii moogganaayoow



Muraadkiisa gaal waa

Muslinkaba idaylkii

Meel walboo ay joogaan

Miino inay la qaraxdoo

Maalin qudha la waayoo;



Mowlahaan ku dhaartaye

Muraad aan midkaas ahayn

Waanay maagganayn oo

Maalinkii yimaadday

Ku mashquul yihiinoo



Rag baa macallimiinoo

Inna kala micneeyoo

Rag baa muhandisiinoo

Miinada sameeyoo

Rag baa maadda jila oo

Inna maaweelinaayoo



Rag baa murti ku dheeroo

Maankeenna doorshoo

Rag baa meelo gooni ah

Ubadka ugu macallina

Oo maaddo loo qoray

Dugsi ugu micneeyoo;



Rag baa madax inoo ahoo

Meel fog innooga taliyoo

Mas’uullay samaysteen

Muslinoo dadkeennoo

Madaxweyneyaal iyo

Maamulkeenna weeyoo

Manhaj bay u dhiibeen

Ay ku maamulaanoo

Run ay maro ku daaheen

Ismoogaan ku dhaafnoo;



Meeshay inala rabeen baan

Ku ag meeraynaayoo

Wax ay nagu mashquulsheen

Ayaan meherad guud iyo

Madaddaallo moodnoo

Maaweeladeenna ah;



Midkeennii mar miyirsada

Miiddiisay shubaayaan

Oo ay mowdka uga adeegaan;

“Maya” kii yidhaahdee

Manhajkooda diidana

Middi bay sudhaayaan

Mucaarad bay yidhaahdaan

Macsharkay ka sheegaan;



Muraadkii kufaartana

Midkaasaan ka idhiyoo

Murugaa I haysoo

Ma micnayn karaayee



Muslinka maanta joogoow

Miyir socod muddiiicoow

Ma damqade ma diiroow

Ma dareeme deggenoow

Maantay meel xun joogtaa

Maalin kalena haba sugin;



Musiibada qayrkaa iyo

Deriskaa u martidana

Mowle idankii mooyee

Kama magan galayside

Amma maanta miyirsoo

Maatadaada wax u qabo

Amma meyd sidiisii

Mid dullaysan iyo gaal

Ha ku maamulaanoo

Meel ha kugu xidhaanoo

Miskiinkaas ahaw oo

Meeshaada ha ka kicin;



Madaw iyo caddaan iyo

Maarriin mid aad tahay

Ma kollaad mabsuud tahay?

Ma kolluu maxabbo iyo

Gaal maamuus kuu hayaayoo

Uu maamul kuuba dhiibtaa?



Ninka Muslin la leeyahay

Muraadkiisu waa maxay?

Isagoo meydkii yaal

Maatadii dayacan tahay

Madaxa looga joogoo

Magac loogu yeedhaba

Gaalada maxbuus u ah

Oo aan u madax bannaanayn

Manhajkiisuu meel marin;



Muslinkuna meel uu yahay

Isagoo ma maagayo;

Inta magac gargaar iyo

Mucaawino had lagu galo

Marwo dumar la xoogayo;



Ubadkiina maskaxdiyo

Manhaj laga maroojoo

Mutacab loogu lebisoo

Maraq doofaar lagu daray

Muufo loogu qooyoo

Maankooda lagu shubay:



“Islaam waa mid laga tegay

moodada adduunyada

iyo macaanka oo idil

ayuu idinka maanici

muslinkuna ma fiicnoo

miciin idinma siiyoo

haweenkuu maryo u xidhi

marna minan fadhiisini

annagaa idin meelayn

ee Islaamka maya dhaha”



Maxaa tani ka murug badan

Ee Muslinku uu sugaayaa?

Muxuu la maahsan yahay ee

Maankiina seexiyay?

Ruuxii ka marag kacay

Iyo kii moogganaayoow

Maantay meel xun joogtaa

Maalin kalena haba sugin.


Jowhar Maidhane
copyright 2010

Oohinta Afka Hooyo

Baaq baan wadaaye

Bulshayahay I wada maqal

Taariikh baan leeyahay

Tiirar baa ii taagnaa

Jiil igu hadlaa jiray

Jacayl baa la ii qabay

Xorriyad baa la igu qoray

Xurmo dheeriyaan helay

Khariidada adduunkiyo

Khalqigaa I wada qiray

Dal waliba afkiisaa

Dahab uu ka yeelaa

Run buu ugu faanaa

Riyaaqna wuu ku sheegtaa

Soomaalaay afkiiniyo

Sahaydiinii baan ahay

Sharaf baa la igu qoray

Shaqaalaana ii qumay

Dhaxalkii dhulkiiniyo

Dhaqankiinii baan ahay

Cadceed idiin ilaysiyo

Cilmi baygu gaadhaan

Gefba wuxuu ka yimidayse

Godobtayga galaysaan

Faqri baygu sheegteen

Fogaateen igana faanteen

Qaarkiin imaba qoro

Qaarna ima qadariyaan

Kaligay ma kacayee

Kaalmaan u baahnahay

Laabo wada shaqeeyaa

Libtu ay ku sugan tahay

Maskax adiga kaa maqan

Maanka walaalkaa waydii

Nin dalkiis ka faanayna

Nabad wuu fogeeyee

Waxaa iga dardaarana

Waano iyo waxsheegna ah

Ha loo noqdo afkii iyo

Hiddihiyo dhaqankii

Yaan la daynin diintoon

Yaqiinta Eebe laga tagin

Afka hooyo waa qani

Adduunkaana marag ka ah

Erey lagama waayoo

Ebyoon weeye la ogyahay

Ilaalo ugu roonoow

Isirkaagii weeyee

Ololaha habkiisii

Odayada dhegaystoo

Ubaxa soo koraayana

U tebiya idaylkood

Aabe iyo hooyooy

Aayo iyo ayeeyooy

Eeddo iyo adeeroow

Eebe intuu I siiyoow

Iil ha igu duugina

Iilashadu ma fiicnee

Oohintaydii yeedhaye

Oodda iga qaadoo

Uurka iga jeclaadoo

Uunkana i wada bara.

Cabdisabur Sh. Cali Jowhar iyo Jowhar Maydhane
Copyright © 1998