Sunday, March 14, 2010

MURTI

Malab aanad helaynin
maskaxda ha isaga waalin
midho aanad arkaynin
maanka looma mashquulsho
mushkilad aanan ku haysan
masuulkeed lama qaado;

Muraadkaaga looma daayo
*mardaddabaanka insaanka
maxaa yeelay macaanka
midhaha aad guran doontuu
maaggan yahay inuu baajo;

Maxaad maanta helaysaa
murugo looguma yeedho
maxaa nolosha adkeeyay
muddo looma fadhiisto;

Ma awoodo dhammaynteed
dadaal loogama joogo
ma tijaabin daraaddeed
murti loogama laabto
midho gunti kuugu jirana
kuwo geed saaran looma daadsho.

Jowhar Maidhane
Malab aanad helaynin
maskaxda ha isaga waalin
midho aanad arkaynin
maanka looma mashquulsho
mushkilad aanan ku haysan
masuulkeed lama qaado;

Muraadkaaga looma daayo
*mardaddabaanka insaanka
maxaa yeelay macaanka
midhaha aad guran doontuu
maaggan yahay inuu baajo;

Maxaad maanta helaysaa
murugo looguma yeedho
maxaa nolosha adkeeyay
muddo looma fadhiisto;

Ma awoodo dhammaynteed
dadaal loogama joogo
ma tijaabin daraaddeed
murti loogama laabto
midho gunti kuugu jirana
kuwo geed saaran looma daadsho.

Jowhar Maidhane
Copyright © 1993

No comments:

Post a Comment