Sunday, March 14, 2010

Run Qadhaadh

Qaraabooy salaan qiimo wayn bilawga iga qaada

qalbi ka timid idiin daacadoo Qaadirka tuugaaya

barwaaqiyo inuu idinku sugo Boqorku raxmaddiisa;

Dadkii qarbiga idinkaga maqnaa qawl yar ka dhegaysta

maqalkiinna I amaahiyoo qora odhaahdayda

bal aan sheego waaqica qurbaha qayb yar oo ka mid ah:

Warqad qoran meydka aan loo helayn oo qalin lagu duugay

taasoo qiraysa geeridoo qaranku oggolaaday

maydkiisa lama qariyo oo qabriga lama geeyo;

Qol yar baana laysaga qarshaa qaboojiyaha daaran

qaybaha muhiimkiyo waxaa laga qaataa qalbiga

dabadeedna sidii qarbad la tolay qodobbo lagu jiidaa;

Goortay qaadaan bay arkaan qaraabadiyo ehelku

kolkaasay qayliyo isku daraan dacwad aan qiimi lahayn

“qarankaa saxeexaa” la odhan “wasiirkaa qala na yidhi”

“Oo qeexa waxa dilay qofkani qiilna u sameeya”

markaasay ku quustaan intii qaraabo la ahaydi

qaddar dhacayna lama soo ceshee maydkooday qaataan;

Qof aan laxash ku jirin lama duugee qorigii bay keenaan

goortay dhaqaan ee ay kafnaan qafaskii bay geliyaan;

qabrigana qodaalkiisii waa dhib kale oo qabsaday;

Xilligaa qaboobihii ah oo barafkii baa qariyay

qabrigii la qoday ee la qoday qoyaan biyaa fadhiya

“illayn lagama qallajini karee maydka naga qariya”;

Qalbigoodu in kastuu jeclaa in aanay ka dhaqaaqin

qadhqadhyaa dadkii haysa oo baabuurkii baa qandac ah

markii la iska qariyaba dhakhsaa qabawga looga galay;

Qofkii sii joog maagee is yidhi waad ku cibro qaadan

qabawgaan u yeelaynin oo dhulkaanu qabanaynin;

taasi waa khasaaraha qurbaha qayb yar oo ka mid ah;

Qodob kale haddaan wax ka idhaa quutul yowmkeenna

inta badan qansiir baa ku jira qasacyadaan furanno;

qiil umaannu helin oo annagu umaanu soo qasdiyin

balse boqollaal magac bay siiyeen qudhunka doofaar ah;

quraacdana haddii aanu ku jirin qadadii baa khasab ah;

khamradaa iyana la mid ahoo badanaa lagu qaldamaa;

qaabkaasay cuntadeennu tahay iyo hab aanan qeexayn

markaasaannu Qaadir Alle rabnaa ducaduu naga aqbalo;

taasi waa khasaaraha qurbaha qayb yar oo ka mid ah;

Qodob kale haddaan wax ka idhaa qaadashada ribada

nimaan quudan qolal ma uu dhistoo qasri ma uu taagto

gaadhi qashti ah oo cusub ma wado quruxna ma uu yeesho

qalabka u sarreeyiyo ma helo qayrkii waxay haystaan;

dhaqankaan ku noolnahay ayaa nagu qasboo na baray

qiil umaanu helin aan ahayn qayrkeen baa yeelay;

Taasi waa qasaaraha qurbaha qayb yar oo ka mid ah;

qodob kale haddaan wax ka idhaa qafasyadaan ku jirno

qolal kooban baan deggenahoo qorraxdii baa nagu yar
bannaankiina qudhun kii ka daran iyo qas baa yaalla

haween qaydku ku yaraaday oon qarinayn laabtooda

iyo Qawmu-Luudkaa ku badan qaaradda aan joogno;

dumar baa la qabsadiyo waxaa badan ilmo la qaatay

amma mayd qar laga tuuray oo geedo lagu qariyay;

intaasina waa waaqica qurbaha qayb yar oo ka mid ah

wada qorina maayoo badh buu qalinku ka xishooday;

sida waalid ilmihii uu dhalay qabsaday oo xoogay

amma waalid qaxarkii dunida ubadkiisii u qalay

arday qaatay qori oo dugsiga qayrkii boqol laayay

amma macalin caashaqay ilmo aan waliba qaangaadhin

oo khasab xumaan ugu qarsada xilliga qadadiisa;
Qalbigaygaan ogolaan karayn inaanba sii qeexo

qaska iyo qudhunka qurbaha yaal oo aan ka qisoodo

qasdigase aan u qoreen badhkood qalinka ula raacay

waa qaraabooy inaad ku quusataan qaxarka naga gaadhay

intii qorshaysanaysaay bal arag waxa ku qalbi qaaday

qoomamiyo ciil bay qabaan qayrkaa intii timidday

Shan kastoo laguu qurxiyo oo dhibka lagaa qariyo

Oo aad tigidh u soo qaadatood qaarado soo jeexdo

danba waad u qaabili hadduu qaddarku kugu beego;


Qorsho idiinma wado loo bogiyo biil aan idiin qorayo

mana aha inaydinka qarsaday qasnado ii yaalla

hayeeshee taladaa qaaliyuu hoogay kii ka qaday;


Calooshoo qaddaa kaaga roon ubadkoo kaa qayirma

amma dawladduba qaadatoo qiil lagaaga dhigo

qori baad ku dhufatiyo mar buu qaylo kaa sheegtay;


Qaangaadh ninkii keenayaa qiil ha raadsado eh

qaladkiisu waynaa ninkii saqiir u soo qaaday

kiiyoo aan tii qumanaydba baran qarbiga soo geliyay;


hadalkiisa markuu quudhsadee Qur’aanka uu diido

amma qunyar uu ka dhaqaaqo uu Qowmu-Luud raaco

ha qoonsado qorshihiisii horiyo taladiisii qaldanayd.


Jowhar Maidhane
Copyright © 2007

No comments:

Post a Comment