Sunday, March 14, 2010

GOBSANAA GABDHAHAYAGU

Gobsanaa gabdhahayagu
Gaalada ma raacaan
Gumeystaha ma yeelaan
Kuwa gunnada qaatee
Heybaddooda gabayana
Gogol kulama seexdaan
Guri kalama toosaan
Gacal kuma yidhaahdaan
Gacan kuma salaamaan
Ubad lama gardaadshaan
Guur lama wadaagaan
Iney geyn karaan iyo
Geyaan uma maleeyaan
Giddi wey huruufaan
Kuwa gabay naftoodii
Iyo gaal u dabadhilif.

Geesigiyo halyeeygiyo
Gabyaagiyo nindoorkana
Gallin qura ma ciilaan
Marka laysku go'ayee
Weerar lagu gawaarsado
Iyo guluf-colaadeed
Iney garab na siiyaan
Nala geeriyoodaan
Gobonimo u diriraan
Waa gad lagu yaqaannoo
Anna gabay ku faanaa.


Gaarinimiyo garashiyo
Sooryeynta gacalnimo
Iyo edab gun iyo baar
Rag u gogoldhiggiisii
Deymo Geenyo-faras iyo
Garaaraha gacmaha dhilan
Timo garabka dhaafiyo
Gardho ay dabeyluhu
Kolba gees u liicshaan
Iyo midab guduud ohoo
Aan salguurin waligii
gabdha wada casaan ohoo
Afku gorad-madoow yahay
Goombaar aheynoo
Xishood lagu gadaamoo
Hiddaha aan gaboodfalin
Gayigeenna mooyee
Goob laga helaa male
Ninkii guur u jeedoow
Bal garwaaqso weedhaa
Gabyaagii Stanza
Uu nagu guubaabiyay.


Mohamed Abdikadir Daud (Stanza)
Copyright © 2010

No comments:

Post a Comment