Sunday, March 14, 2010

Amiin

Amiinoow adduunyadani waa laba ayaamoode

Aadanaha ninkii aqli leh baa ugu ayaan roone

Aakhiro wuxuu geysan buu eegga fiirshaaye

Allahiisu arrinka uu faruu asluub ka yeeshaaye

Ma ambado, hadduu ammin gafana Alluu u laabtaaye

Oohin iyo baryuu ula noqdaa asoon is weyneyne

Anfacuu heluu ku hor marshaa ayaammo kii qadaye

Agoonkiyo miskiinkuu dhawraa ibnu sabiilka ahe

Aadanuhu intay wada hurdaan waa uu ooyaaye

Allahiisa buu tuugayaa inuu ajiibaaye

Aroortiina soon baa u xidhan intuu ka afuraaye

Indhihiisa nuurkooda guud waa akhris Qur’aane

Midigtiisu intay bixisay abid bidixdu ma ay oga e

Maqalkiisa aadaanka buu ugu raaxeeyaaye

Addimadiisa gurigii Alluu ugu socdaa abide

Astur buu faraa eheladiyo ooriduu qabo e
Ilmihiisuu diin ku edbiyaa adeeciddii Alle e

Irsiqooduu intaa raadiyaa Allaa illayn faraye

Adkaar iyo xuska Ilaahay buu afka ku daalshaaye

Addoonkaas Ilaah toosiyee amaanta loo badiyay

Astaantiisa aan yeelannoo abid aynaan daynin.

Jowhar Maidhane
Copyright © 2010

No comments:

Post a Comment