Saturday, March 27, 2010

Alle Waa Casiis Weyn

Allahaas Casiiskee ceeb aan lahaynoow
Kan cibaadadiisu xaqa tahay cid gudaase yar tahoow
Cabbirkiisa Allahaan carrabku koobi karinoow
Cirka Allaha taagee camiree asteeyoow
Cimrigeenna guud iyo calafkeenna kan hantoow
Caqligeenna Allihii cabiree qiyaasoow
Cidhibteenna Allihii Cilmigiisa ku ogoow
Cadaabtiisa Allahaan cidina celin karaynoow
Caydhiyo abaartana cidduu rabo ku taabtoow
Gaalku kan uu ku caasiyay misna calafkiisa siiyoow
Cadaw kan aanu dhibi karin culaysna aanu ku haynoow
Adigaa Casiis ahe cadaabtaada naga kori.

Jowhar Maidhane
Copyright © 2000

No comments:

Post a Comment