Monday, April 12, 2010

Shankarroon

Shankarroon gabadh toosan
shabbad weeye dhawrsoonoo
shalmadday huwanaysay
sharka isaga dedaysaa;
shukaday xidhanaysay
shiki isaga fogaysaa;
sharabaadkaan debcaynbuu
shaydaan uga durkaayaa;

Shibbanaanta xishoodkiyo
shisheeyahoy iska shareertaa
shar ka weyn loogu geystaa
sheeko kasta loogu keenaa
shir walba loogu xasuustaa;

Shanteeday tukanaysaa
uunsigay shidanaysaa
shan ubaday korinaysaa
shuuradood karinaysaa
noloshii nebigeenniyo
casharaday ku shuqloontaa;

Sheekheedoy adeecdiyo
shilin xalaaloy naqaysaa
sharle oo dhan u eegtaa
sheekadeeda u baadhaa
shey kastana ugu eershaa;

Sheekheeday sharfaysaa!
shanqadhiisa goortay maqashee
shaqo uu ka yimaaddo
shandadday ka dhigaysaa
sharaf bay u salaami;
shiillimaadkay ku dheertoo
shan nooc oon la aqoon bay
miiska ugu sharraxaysaa;

Shaahay kaga dejinaysaa
sheekadiisa idayl iyo
shiddadii maalintaasay
sharaf uga dhegaysan;
shilinkii uu dharaartaa
soo shaqeeyay idaylbuu
shanta farood uga dhiibaa;

Iyadoo shan-ka-roonoo
shaqadaasi dhan haysaa
'shareeratooy' lagu caayaa
shiid loola istaagaa
oo shuuci walliba u laayaa.


Jowhar Maidhane
Copyright © 1992

No comments:

Post a Comment