Aroos baa caawa la soo gelbiyayoo gurigan waa laga qoslaayaa
 
 Gurina geeri baa heshoo galabta laga ooyayaa
 
 Gurina cudur baa galoo qandhaa la gariirayaa
 
 Gurina girgiraan la shidinoo gaajaa lala guuxayaa
 
 Gurina ibleys baa guboo gacalkii kala guurayaa
 
 Gurina cadaw baa galoo dadkii la gumaadayaa
 
 Guulahaana giddigood arkaayoo arrinkooduu gorfaynayaa.
 
  
 
 Jowhar Maidhane
 Copyright © 2000
 
No comments:
Post a Comment