Ciid baa la i dhigaayaa
Cammuud baa la igu rogayaa
Cidlo baa la iiga tegayaa
Cadaw kii u darnaa iyo
Cayayaano idayl baa
Cabsi la iigu xidhayaa
Cirsan baanan helaynin
Ciil baan wax taraynin
Cadho waanay cudud noqonayn
Cirkii baanan arkaynin
Cunto cayn ay ahaatiyo
Cabbid baan la i siinayn
Carradaa i cunaysa
Cadkaygii jaranaysa
Cisho aanan fogayna
Cadba waabu I daayay
Lafo cad baanan ahoo
Caddiir aanu u oollin;
Cadar haba igu sheegin
Cadkaagaa qudhmay oo
Caalamkii kharribaaya;
Culimayse ahaayeen
Cabsi bay ka qabeenoo
God yar bay kugu cidhiidhyeen;
Camalkaygaa xumaayoo
Cabsi iyo anfariir baan
Celin waayay su’aashii
Cidladii qabrigaana
Cidhiidhi lagiigu siyaadshoo
Calooshayda kaceediyo
Feedhahaa i caynwareegtay;
Ciddii walboo I maqlaysaay
Caawaan kuu digayaaye
Camalkaaga wanaaji
Ciid ayaa ku sugaysa
Caaddilkaa ku xisaabin
Cimrigaagiyo maalkiyo
Caafimaadkuu ku waydiin
Ee hadda caabud Ilaahay.
Jowhar Maidhane
Copyright © 1994
No comments:
Post a Comment