Wednesday, September 7, 2011

Danaq


Anaa danqadoo runtii jidhkaygu dubaaxiyee dadkaygoow maxaan falaa?
Anaa dayaciina iyo darxumadiinaba dhibsada oo ilmadu iga daadataaye dadkaygoow maxaan falaa?
Anaa doodoo wanaag ku dadaala,ee dadkaygoow maxaan falaa?
Anaa isku daya in aan had iyo jeer idiinku deeqo dabuubtaydiyo odhaahdee dadkaygoow maxaan falaa?
Anaa isku daya  murtida in aad ila daydaane dadkaygoow maxaan falaa?
Anaa dibindaabyadiyo duligoo idil idinla necebe dadkaygoow maxaan falaa?
Hadaan isdiloo inagu hadaynu is dabarjarayno dadkaygoow maxaan rabnaa?
Hadaan duqaydii ladhaafin dhalaankii hadaan ladaynin dadkaygoow maxaan rabnaa?
Hadii uur dooxad dhacayoo walaalihi wada degiyo hadii deriskii is cunay dadkaygoow maxaan rabnaa?
Haday dunidiiba yaabtay xalkiiba ladiidayoo hadii nabadii ladoorshey dadkaygoow maxaan rabnaa?
Hadii waa dacar qabiile haduu degay oo ku faafay damiirka wax fiiriyiyo maskaxda daar inaga yeeshay dadkaygoow maxaan rabnaa?
Hadaan wadankeeni duminey hadaan dunidii ka hadhnay dadkaygoow maxaan rabnaa?
Maduugoowdee rajadu niyadu way dugaashataaye aan dadaalnooo heedhe tooba illaah denbi dhaaf ka tuugno.
Nabadii aan doono wadajir dalkeena dhisnoo israacno.


Haboon
Copyright © 2011

No comments:

Post a Comment