Friday, January 16, 2015

Qolof diin diin

Diin dal qaladeed ku dayaamay
Dunida oo idil darbi ka dugsaday
Damacsan in uu ka duulo balse qolof ku daboolantahay
Dadkii difaaci lahaa oo diirka laga siibaayay
Dabbaal qowlkiisu uu doolar nogday
Qol yar maskaxdiisi ku soo qufulay
Qabyaalad qayaxani ay qalbiga ka qisaastay
Qawm dhan oo dawakhsan oo ay baddu qarqisay
Qabriga badda ayay ku qulqulayaane way ka qawmamayne
Qaadirka iyo qadarka ayaaney qiimayne oo way soo qalafanyihiine
Qolof dusha ma'ahee aan qiime kale lahayne
Maangaab magaalo iyo miskiin u miciyaystay
Maskax iyo maan toona aan lamaanayne
Musuq maasaq ayaan dunida meel koobaad ka galnaye.

By: Ahmed Suleiman

No comments:

Post a Comment