Saturday, April 24, 2010

April 8

Waxaan Ka Mid Ahay Qudrada Eebe, Markaad Abaar Ka Calacashaan Ayaan Idin Cawiya

Waxaan Ahay Qeyb Nooloshiina Qurxiya, La’aanteey Nooloshu Waa Ciriiri

Waxaad Dhahdaan Rafaadka Raaxo Ayaan Idinku Badala, Hadaan Si Xad Dhaaf U Da’o Waad Qalqashaan

Waan Yaabe Kumaan Ahay? Waan Idiin Hagar Baxa, Idinkuna I Heybisaan Sida Aan Ahay Halyeey Idin Hanqab Tira

Waa Hubaal Ruxii Heybad U Leh Tilmaanta Inuu Hor Iga Sheege Kumaan Ahay?

Waa Xaqiiqo Inaad Isla Dhex Mareysaan Qofka Aan Ahay Ee, Aan Idin Dulmaro Aragtideda Iyo Sida Aan Ahay

Warku Ha Cadadeedo Sideyda Oo Kale Warka Dhab Dhaha, Waxaan Ka Mid Ahay Kuwa Naftu Ku Jirin Ee Muhiimka Idin Ah

Waxaan I Qutaan Kuwa Hadla Iyo Kuwa Amusan Sida, Bina’aadanka, Dhirta, Shimbiraha

Waad Ku Daasheen Radiskeyge Dhagahiina Fura, Dhagahiina Fura Oo I Dhageysta Waxaan Ahay

Waxaan Ahay Rimanaha Loo Riyaaqo Marka La Waayo, Waxaan Ahay Rexaanta Rabi Idinku Maneysto

Waxaan Ahay Roob!

Ahmed Abdi
Copyright ©2010

No comments:

Post a Comment