Saturday, April 24, 2010

JACEYL -LOVE POEM

Maalintii jaceylkee
Saakaan jarmaadoo
Hiirtii jaqaafshoo
Jaciirsaday arooroo
Jalaqsiga dhaqaaqoo
Hadba rugi jalleecoo
Jawdheer Orag udgoon iyo
Jaf ugbaad leh iyo bookh
Anoo jiir ka dhaadhici
Ayaa joogsa lay yidhi.

Nafle jaah bilcoonoo

Dhaayaha janneeyoo
Jamaal lagu tarrixinoo
Jookar iyo cadceedoo
Dahab aan carjabinoo
Ubax Jarar ku yaalloo
Jilbis midab la ceynoo
Laga jeedsan karin baa
Igu yidhi jaceyl baa
Jaalle lay yidhaahdaa.

Waxaan idhi jaceylow

Saaxibkaan jeclaayow
Dadku ila jeclaayow
Lana wada jeclaayow
Jaceyl ila jeclaayow
Igu sii jeclaayow
Jabsin iyo qabiil iyo
Jilib qolo ciddaa tahay
Jannagale bal ii sheeg.

Jaceylkii wuxuu yidhi:

Jamashiyo walaac iyo
Juldhuq iyo yabaal iyo
Jambareer dhucleyn iyo
Jaheeyiyo wareershiyo
Jare xarig maroog iyo
Jabiyiyo kabaa iyo
Jirro caafimaad iyo
Jirjirrole nooc iyo
Kolba jaad ayaan ahay.

Waxaan idhi jaceylow

Jameecooyin hore iyo
Kuwa maanta joogiyo
Jiilka aayatiinkiyo
Jilac iyo quraanjiyo
Wax jibaad dhawaaqiyo
Waxaan juu aqoon iyo
Jamac kali-u-noolaba
Haleel jeermiskaagee
Sideed oogu jaaddaa?

Jaceylkii wuxuu yidhi:

Dhibta waxaan ku jabiyaa
Sunta jagac ku siiyaa
Juniyaa dandaanshaa
Jeegaanta saaraa
Lammaane isku jeeloo
Kalgaceyl jilaayoo
Jalka qeybsanaayoo
Jeeqaaqayaan ubad.

Waxaan idhi jaceylow

Qofkee baad janjaantaa?
Jilcisaa daldalataa?
Jadiin dhuunta marisaa?
Jalka aad ka goysaa?
Jiif joog u diiddaa?
Urugada jigraartaa?
Beerkiisa jeexdaa?
Jarar-dheer ka tuurtaa?
Nacabkana u jabisaa?

Jaceylkii wuxuu yidhi:

Waxaan ani janjaamaa
Jarjaraa diloodaa
Jadiin dhuunta mariyaa
Jalka aan ka gooyaa
Jiif joog u diidaa
Urugada jigraaraa
Beerkiisa jeexaa
Cadowgana u jabiyaa
Jante jeebku maran yahay.

Waxaan idhi jaceylow

Dad baa jiritinkaagiyo
Joogiddaada dunidiyo
Jalbidhabad asiibkiyo
Jibaax sooridkaagiyo
Jirrabkaad horseeddiyo
Bahda jinniyaddaadiyo
Jimmihiyo itaalkiyo
Inkiraaya jabaqdee
Jeeskaa maxaad oran?

Jaceylkii wuxuu yidhi:

Sow Qeys ma juguxsanin?
Leylana ma kala jarin?
Boodhari ku jawrfalin?
Hodan jahawareer iyo
Sow joomad maan badin?
Maanta iil ma jiifaan?
Haddaan jirin abwaanyahow
Deeqa maad jeclaan laheyd?
Jiinleey ma tirin laheyd?

Waxaan idhi jaceylow

Waligaa jiroo joog
Halaag iyo jab moogow
Runta jaasabixiyow
Dhiig-joojiskiiyow
Jaalkii mudnaayow
Jaadkii Ganaanow
Jubba iyo Shabeellow
Jilib beeraheedow
Dalaggii Jamaamow
Ilaah abid hakula jiro.

Mohamed Abdikadir Daud (Stanza)

Copyright © 2008

No comments:

Post a Comment