Thursday, August 18, 2011

Caku Soomaaliyeey Ciil Kama Baxaysaane


caawa waan careesnohoo ceesh i marimaayo
calooshay huraysoo caafimaad ma doonaayo
islaamkii dhamantood iyo carabahaa walaaltoowye
adinkuna halkaan baad ciil iyo caro la jiiftaane
caku soomaaliyeey ciil kama baxaysaane

cimrigiin intuu yahayba cadow baysku noqoteene
caruurtiyo duqowshahana macluul baad ku leyseene
culumaa udiin iyo ciroolena cafiba meysaane
caku soomaaliyeey ciil kama baxaysaane

imisaa ceel biyo ka weydoo cunana aan haysan
imisaa cari gaalo joogtoo ciidoodi doonaaya
imisaa gaal cunsuri ah nabad nagu canaadaaya
imisaa carartoo cadan orod ku soo gaadhay
caku soomaaliyeey ciil kama baxaysaane

caalamkuna waa nagu fiirsadaa ceyrtiyo abaartaane
colkii sokeeyana halkaanbuu caymis isu sheegay
cariish bay na dajiyeen barafya ceeryaamo
caku soomaalidaydaay ciil kama baxaysaane

ciribtirka shacbiga waxa wadaa waa cunugyadeeniiye
cibaadeysigii iyo ka tagay quraanka cadadkiisa
caradii ilaah iyo cadaab bay shaqaysteene
curadkeenina halkaanbuu qamro laba cantuugleyne
caku soomaaliyeey ciil kama baxaysaaneey

calaan ma dhaafayaan waa caaq la soo diraye
cagahay marinayan oo wa'ay ceyrsanahayane
 ciidan kii duloobiyo waa cudur dawaysmeeyne
caadil waa ilaaheeye  ceshada ubadkiina

cirkay wada suranyihiin feceen calamadoodiiye
caadkay marahayaan ways cajabiyeene
anaguna canaad baan ku noolnahay, cabasho iyo ceebe
Caku soomaaliyeey ciil kama baxaysaaneeeeeyyy

Mustafa Abdul-kadir
Copyright © 2011

No comments:

Post a Comment