Wednesday, February 19, 2014

Maanso: Adeer

Adeero Adeero aduunka
Dhibkiisa aloosan adeero
Allow uu ku seego adeero.
Wixii intifaac leh adeero
Ammaan iyo raaxo adeero
Agtaada ahaade adeero.
Markaad ilmo dhaafto adeero
Aqoontana dhawroo adeero
Aakhiro ha hilmaamin adeero.
Abkaa waalidkaana adeero
Inkaartood awood leh adeero
Xaqooda ilaali adeero.
Adduunka dushiisa adeeroInaad arli leeday adeero
Ogsoonow wadankaaga adeero.
Afrika dacalkeeda adeero
Inaad ku aroorto adeero
Adigu ha iloobin adeero.

Adan Dirie
01/14/13

No comments:

Post a Comment