Monday, January 4, 2010

Hooyo {The Masterpiece pt 2}


Hadaan hal tix heybada hooyo ku sheego, leykuma hayo ineey tahay hor socodka nabada iyo hanaanka nolosha

Hooyo waad noo halgantaye, Ilaah haku hanuniyo

Hooyo hadaan hamiyo halkaad iga taagantahay, waxa hubaal ah inaan hadal kugu soo kobi kari waayo

Hooyo waxaad tahay saxiib hubaal ah oo hadane sagaal bilood urka igu soo siday

Hooyo hadaad i dhashay neh iga hari weysay oo waxaad igu dartay haaysmo

Hooyo habeenki markeey dadku hurdaan, heynteyda ayaa ku hor seeday hurdo la'aan

Hooyo hadan xanusado neh xanuunka waxa laga dareema hilifka ishada iyo hooshada dheeriga ah

Hooyo waxaad hubisay inuu hadalkeyga kowaad noqdo hooyo, hadane xil iska saarta sidaan ku hadafi laha adoo i hagar baxaya

Hooyo markaan hadafo neh heybad iyo asluub hadad i siisa

Hooyo hadaan weynado xitaa, agtada waxaan ka ahay hilibki yara ee hurdada ku diiday

Hooyo hadaan gardaranahay neh waad i hilisa, ka dibne hubisa hadan gardarnahay

Hooyo waxaad tahay hoseedkeyga aduunka iyo heer sare inaan gaaro

Hooyo waxaad tahay hanaan socodka dunida iyo sheey aan la heli karin

Hooyo hadaan ku soo xijiyo xita wanaan gudi karin abaalkage heyga tagin anoo taag daran halkan

Hooyo waxaad tahay hamiga difaca dadka iyo mid u dagalanta horsocodka qoyska, hadaad dashine laga maqlin haa

Hooyo waxaad tahay heer qaran oo hoos loo dhige hadeey ogan lahayeen hoosha aad u heysid iyo halka aad ka tagantahay weey ku heybin lahayeen

Hooyo waxaad tahay heybada nolosha iyo hamiga riyadeyda, waan ku haminaya ee heyga tagin

Hooyo waxaad tahay hoyga guriga iyo hool kar aan la heli karin

Hooyo heybad waxaad u ledahay hadiyad qali ah iyo mid aan dunida laga helin

Hooyo waxaad tahay hidifka wadnaheyga iyo hadimada nafteyda, Ilaahay haku daaye heyga tagin herkaan.

Ahmed Abdi
Copyright © 2010

No comments:

Post a Comment